Home > 10001, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaare C/weli Iyo Xubno Ka Tirsan Wasiirada Oo Booqday Xerooyin Ciidan – SAWIRRO

Somalia:R/wasaare C/weli Iyo Xubno Ka Tirsan Wasiirada Oo Booqday Xerooyin Ciidan – SAWIRRO

Wednesday, November 23, 2011

Laaska news  Nov.23,2011         Warka TFG da

Muqdisho,Nov. 22 – R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya DR C/weli Maxamed Cali Oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xeryaha iyo saldhigyada ciidanka booliska Soomaaliyeed si uu ugu kuurgalo xaaladooda iyo howlaha ay wadaan.

C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha dalka  ayaa waxaa kormerkiisa ku wehlinayay wasiirka Gaashaandhigga,  wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare,  kusimaha taliyaha ciidanka booliiska ahna taliye ku xigeenka,  gudoomiyaha dagmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda KMG ah.

Ugu horeyn R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gaaray mid ka mid ah saldhigyada ay kusuganyihiin ciidamada booliiska ee ku yaala dagmada hodan halkaasi oo ay diyaar ku ahaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada booliiska oo uu salaan sharaf ka qaadtay R/wasaaraha.

Kusimaha taliyaha ciidamada booliska ahna taliye ku xigeen Genaral Saciid Daahir  ayaa warbixin kasiiyay R/wasaare C/wali iyo xubnihi la socday sida uu u shaqeeyo mid ka mid ah saldhigyada kuyaala dagmada hodan.

Intii uu R/wasaaruhu ku sugnaa dagmada hodan ayaa sidoo kale waxaa uu booqasho  ku tagay kuleej lagu xanaaneeyo kudhawaad 700 oo caruur agoon ah halkaasi oo uu qaar ka mid ah caruurtaasina uu kor u qaaday waxa uuna warbixin ka dhageystay maamulaha xeradaasi lagu xanaaneeyo caruurta.

Dr C/wali Maxamd Cali Gaas ayaa balan qaaday in ay xukuumadda muhiimad weyn siin doonto sidii loo hormarin lahaa caruurta isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in ay garabsiiyaan caruurta dhibaateysan.

Kormeerkaan uu maanta R/wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ay  ku tageen saldhigyada ciidamada booliiska ee kuyaala dagmada hodan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladda KMG ah ugu jirto niyad dhiska iyo dhiira galinta cidanka qalabka sida oo guulo waa weyn ka soo hoyay holagalada ka socda dalka.

Nov.22

RM.
.

Related:

Somalia:Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Xerada Xannaanada Carruurta ee Al-Birri – SAWIRRO

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com