Home > Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Xeritaankii Shirka Qeybaha Bulshada (Dhageyso)

Somalia:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Xeritaankii Shirka Qeybaha Bulshada (Dhageyso)

Monday, November 28, 2011

Laaska news  Nov. 28,2011         WARKA TFG da
Madaxweyne Shariif Oo Soo Xiray Shirkii Wadatashiga Qeybaha Bulshada.

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirkii wadatashiga qaybaha bulshada oo uu Madaxweynuhu maanta soo xeray.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo quseeya xaaladda dalka waxaana uu si gaar ah uga hadlay Marxaladda kala guurka,qorshaha Dowladda iyo qaabka ay hay’adaha Samafalku u shaqeeyaan.

Hadaba Khudbadda Madaxweynaha oo aad u dheer ayaa waxaa kusoo dhoweynaya hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Madaxweynaha Uu Ka Jeediyey Xeritaanka Shirka Maanta

.

Madaxweyne Shariif Oo Soo Xiray Shirkii Wadatashiga Qeybaha Bulshada

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md Shariif Sh Axmad ayaa maanta soo xiray Shirkii wada tashiga qeybaha bulshada oo looga dooday arimaha la xiriira dhameeynta qorshaha siyaasadda Mustaqbalka dalka ee (Rod Map) Kaas oo Sadaxdii cisho ee la soo dhaafay ka socoday Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo xiray shirkaasi isagoo halkaasi ka jeediyay qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneeysa taas oo ka hadleysay, siyaasadda, amaanka, dhaqaalaha, gargaarka iyo arimaha Rod Mapka, isagoo tilmaamo ka bixiyay barnaamijyada dowladda ee ku aadan xasilinta dalka iyo caqabadaha jira.

Madaxweyne Shariif ayaa soo hadalqaaday dowrka ay ururada bulshada rayidka ah ku leeyihiin geeddi socodka nabada iyo guud ahaan arimaha dalka, isagoo ku boorriyay in ay gacan ka geeystaan sidii dalkeenna dhibaatada looga saari lahaa.

Shirkan uu madaxweynuhu maanta soo xiray ayaa ahaa mid qeybaha bulshada rayidka ah ay uga doodayeen arimaha mustaqbalka dalka kaas oo Muqdisho socday muddo Sadex maalmood ah.

RM.

 
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements