Home > TFG Somalia, WARARKA > DOHA:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Loogu Soo Dhaweeyey Doxa, Kulanna La Qaatay Amiirka Dalka Qadar – SAWIRRO

DOHA:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Loogu Soo Dhaweeyey Doxa, Kulanna La Qaatay Amiirka Dalka Qadar – SAWIRRO

Tuesday, November 29, 2011

Laaska news  Nov. 29,2011

R/wasaare C/weli Oo Kulan La Qaatay Amiirka Dalka Qadar

Doha – Ra’isul wasaare C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ammirka dalkaasi.

R/wasaaraha iyo Amiirka dalka Qadar ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid aheeyeen xoojinta xiriirka Labada dal iyo sidii dowladda Qadar ay gacan uga geysan laheyd mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalka.

Dr. C/wali Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa warbixin ka siiyay Amiirka Dalka Qadar waxa u qabsoomay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo hormarada laga gaaray dhanka amaanka.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow afhayeenka xukuumadda ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulanka ay yeesheen mas’uuliyiinta Radio Muqdisho uga warbixiyay wax yaabihii kulankaasi isagoo sheegay in uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo is afgarad leh.

Dhanka kale R/wasaare C/wali Maxamed Cali iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay xarunta telefashinka caalamiga ah ee Al jaziira halkas oo uu kulan kula qaatay madaxda telefishinka Al jaziira isagoo kala hadlay sida ay warbaahinta Al jazeera door muuqda uga qaadan laheyd arimaha Soomaliya.

Dawladda Qadar ayaa ka mid ah dowladihii dalka Soomaliya markii ay abaartu ku dhufatay la soo gaaray gargaar ka bani’aadanimo oo lagu samatabixinayay dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Loogu Soo Dhaweeyey Doxa.

 

 

 

 

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qatar His Excellency Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa loo dhigay Kaarbet gaduudan gegida dayuuradaha ee Doha halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey waxaana Ra’iisul Wasaare C/weli Maxamed Cali ku wehliya safarkiisa Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Jeylani Iikar iyo mas’uuliyiin kale .

 

 

 

 

 

 

 

 

.

RM.
.

Related Articles:

Somalia:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Somalia:Ra’iisul Wasaaraha Oo La Kulmay Amiirka Qatar iyo Mas’uuliyiin Kale ….SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli oo La Kulmay Madax Ka Socotay Dalalka Caalamka+SAWIRRO

Somalia:Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka OMAN, Germany iyo UK.

 

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com