Home > TFG Somalia, WARARKA > DOHA:Ra’iiusl Wasaare Prof Abdiweli oo la kumay Amir ka Qatar

DOHA:Ra’iiusl Wasaare Prof Abdiweli oo la kumay Amir ka Qatar

Wednesday, November 30, 2011

Laaska news  Nov. 30,2011           Warka TFG da

Doha – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan gaar ah la qaatay Amir ka Qatar His Highness Emir Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Doha ayaa kala hadlay Amir ka Qatar arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin:

xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska dalka, gargaarka bani’aadanimo iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli iyo Amir ka Qatar waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa Amiirka uga mahadceliyey casuumaada iyo soo dhoweynta qiimaha iyo qaayaha leh, waxuuna u sheegay” in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu rajoweyn yihiin in Dowladda Qatar ay kaalin fiican ka qaataan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku wehliyey kulankan Wasiirka Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib-u-dhiska Mudane Jeylani Nur Iikar iyo mas’uuliyiin kale. Amiirka Qatar waxaa isna ku wehliyey kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa beryahan kulamo la yeelanayey mas’uuliyiinta dalka Qatar oo uu horey ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gar-gaarka ee Qatar.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli waxuu booqasho ku tagey xarunta Aljazeera TV oo halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Aljazeera Ahmed Bin Jassim al-Thani.

RM.

Related Articles:

DOHA:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Loogu Soo Dhaweeyey Doxa, Kulanna La Qaatay Amiirka Dalka Qadar – SAWIRRO

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com