Home > Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > SOMALIA: “beesha caalamka waa in ay taageertaa shirka Wada tashiga” – Ambaasidoor Mahiga

SOMALIA: “beesha caalamka waa in ay taageertaa shirka Wada tashiga” – Ambaasidoor Mahiga

Monday, December 5, 2011

Laaska news  Dec. 5, 2011               Warka TFG da

Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ka dalbday beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomalaiya in ay taageeraan shirka Waadatashiga ee bishan gudaheeda ka dhacaya magaalada Garoowe.

Dr. Augustine Mahiga,u qaabilsanaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Garoowe islamarkaana kulan kula qaatay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu u jeedinayo beesha caalamka iyo  dalalka dariska la ah Soomaaliya in ay muujiyaan taageero xooggan oo ku aadan shirka Wada tashiga ee magaalada Garoowe ka furmaya si xal uu ugu noqday nabaddeynta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dhibaato badan ay ka jirto Soomaaliya xal kama danbeys ahna loo baahan yahay   muhiimna ay  tahay in  gacan weyn la siiyo shirka Wada tashiga qeybtiisa labaad oo 15-ka bishan December ee sanadkan  ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dr. Augustine Mahiga ayaa tilmaamay in rajadu ay tahay mid wanaagsan xalkuna uu ku jiro gacanta Soomaalida maadaama ay muddo ku jireen dadka Soomaaliyeed dhibaato oo hadda u baahan nabad iyo kala danbeyn.

Booqasha ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imanaysa xilli uu socda diyaar garoowga loogu jiro ka qeyb galka shirka Wada Tashiga ee bishan lagu wado in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Garoowe xilli qeybtii hore ee shirkaasi lagu qabtay magaalada Mqudisho.

 Dec. 4,2011.

RM.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com