Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Taleex:Laba Nin oo La Sheegay in Lagu Dilay Iskudhac Ka Dhacay Duleedka Taleex

Taleex:Laba Nin oo La Sheegay in Lagu Dilay Iskudhac Ka Dhacay Duleedka Taleex

Sunday, December 11, 2011

Laaska news  Dec. 11, 2011

Wararka ay warbaahintu ka helayso degmada Taleex ayaa kusoo waramaya in isku dhac ka dhacay duleedka degmada Taleex ay ku dhinteen laba qof,lix kalana ay ku dhaawacmeen,dhammaantoodna ay yihiin dadka deegaanka Taleex.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada nin ee dhintay ay  midi walaalo yihiin Cabdisamad Cali shire,ka kalana uu adeer uyahay.

Lixda dhaawacana ay afar kamid ah ay la socdeen ragga dhintay halka labada kalana ay yihiin rag la sheegay inay weerarka  lahaayeen,sida uu ku waramay wariyaha BBC da ee Burco.

Waxaannu ugu baaqaynaa Bulshada Taleex inay ka hortagaan wax kasta oo keenaya isku dhac Beesha dhexdeeda ah.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements