Home > Shirka Wadatashiga, Socdaalka Gudaha, TFG Somalia, WARARKA > GOROWE:Madaxweyne Shariif Oo Ka dagey Garowe Si Diiranna Loogu Soo Dhaweeyay

GOROWE:Madaxweyne Shariif Oo Ka dagey Garowe Si Diiranna Loogu Soo Dhaweeyay

Monday, December 19, 2011

Laaska news  Dec. 19, 2011                PUNTLAND  SOMALIA

GaroweMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiilkh Axmed iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa galabta kasoo dagey Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe,Caasimadda  Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

.
Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha madaxda & shacabka Puntland oo uu horkacayao madaxweynaha Puntland Dr. Faroole.

 .

Madaxwynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.Waxaana soo dhawaynta ka qayb qaatay ardayda dugsiyada iyo kuwa Jaamacadaha,ururada bulshada iyo dad weyne aad ufarabadan.
.

Waxaana aad loo adkeeyay amniga garoonka iyo ka magaaladaba.

.
Socdaalka Sh. Shariif oo ah kii labaad uu ku yimaado Garowe tan iyo intii ay isku soo dhawaadeen TFG da & Puntland  ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiro ka qayb galka Shirka wadatashiga wajigiisa labaad oo laba jeer oo hore dib udhacay, laguna wado inuu ka furmo Garowe maalinta Arbacada ah.

.
Shirkan ayaa lagu wadaa in looga hadli doono ama looga tashan doono dastuurka lagu wado inay yeelato dawladda Soomaaliyeed laguna hago masiirka umaddaSoomaaliyeed,loogana baxo habka kumeel gaarka ah.

.
Shirka wadatashiga ayaa la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan qaybihii horay uga qayb qaatay ama saxiixay Roadmap ka.

.
Waxaana la filayaa inay ka qayb galayaasha shirkaasi ay ilaa barri soo gaaran Garowe.

Photo:RM
.

Adan X. Faarax
Garowe.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com