Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Hoosingow oo Cirka Laga Duqeeyay

Somalia:Hoosingow oo Cirka Laga Duqeeyay

Wednesday, December 21, 2011

Laaska news  Dec. 21, 2011

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta usheegay in  diyaaradaha Kenya ay laba jeer  duqayn ugeysteen tuulada Hoosingow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,duqayntaasi ay ku dhinteen 15 qof oo dad rayad ah  oo ay ku jiraan 2 dumar ah iyo 7 Caruur ah,kuna dhaawacmeen 22 qof oo kale..

Kenya waxay sheegatay “inay ciidankoodu dileen  18  shabaab ah oo uu ku jiro sarkaal sare,weerar xagga cirka ah oo Ciidanka Kenya ku qaadeen  tuulada Hoosingow oo ku dhaw dhoobley xadka  dhinaca Dalka Kenya”.

Nin lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Mahad oo sheegay isagu inuu joogo magaalada Hoosingow oo waraysi siiyay Idaacadda BBC da laanteeda Af Soomaaliga ayaa isaga oo ka waramaya dhacdadaa waxa uu yiri:

.

Walaale shalay oo Bishu ku beegnayd  20kii Disimbar abaara duhuradii  ayaa waxaa nasoo weeraray diyaarado miig ah oo ku qiyaasayno inay ahaayeen saddex laakiin annagu aannu aragnay 2, meelo magaalada kabaxsan ayay gantaalo ku dhufteen wax dhib ah ma aysan geysan.

 Galabtii bay soo noqdeen bacda casar 11 kii galabnimo ama shanta galabnimo sida loo yaqaano, magaaladay duqeeyeen dadkii shacabha ah baa dhib badan gaaray ilaa hadda dadka dhintay waa 15.

7 ay caruur tahay,labana ay dumar tahay.

lix qof oo isku qoys ah ayaa ku jirta (Aabe,xaaskiisi iyo afar ilmood oo uu dhalay) waa ku dhinteen,3 gabdhood oo yar yar ah oo saqiira ah  oo isla dhashay waa ku dhinteen.
.

Dadka dhaawaca ah 22 waaye.
.

22 ka dhaawaca ah daawo magaaladu maleh,xalay waxaa laga helay 3 irbadood oo dhiig joojin ah ayaa xalay magaalada dhan laga helay,haba yaraatee wax daawo ah magaalada dhan maleh,Isbitaal maleh,xitaa meel yar oo farmashiye ah oo dadka laga daaweeyo maleh.

.
Meesha idinkugu dhaw oo daawo uraadsan lahaydeen halkee Waaye markaa?

.
Meesha noogu dhaw ee daawo loo raadsan karo waa Kismaayo.
Kismaayana roobkii ayaa nakala xiray………………………………

 .

Ugu dambayntii waxa uu ninkaasi ugu baaqay  Haydaha Samafalka in dadkaa daawo iyo gargaar lala soo gaaro.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements