Home > Ahlusunna Waljamaaca, SOCIETY, WARARKA > Matabaan :Saraakiil Katirsan Hay’ad Gargaar Oo Lagu Dilay

Matabaan :Saraakiil Katirsan Hay’ad Gargaar Oo Lagu Dilay

Friday, December 23, 2011

Laaska news  Dec. 23, 2011
Saddex katirsan Shaqaale gargaar ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalada matabaan ee katirsan Gobolka Hiiran.
.

Shaqaalahaas ayaa la sheegay inay ahaayeen Soomaali halkaana kawadeen hawlo lagu gargaarayo dadka soo barakacay oo halkaa kusugan,ayna ahaayeen kormeer kana soo kicitimeen dhinaca Gaalkacayo sida la ga helay maamulka degmada Matabaan iyo ilo kala duwan.

 .

Shaqaalahan ayaa la sheegay in laba kamid ah oo lagu kala magacaabo Muxiyaddiin Macalin Yarow iyo Maxamad Salaad Maxamed ay u shaqaynayeen Hay’adda WFP,halka ka kalana oo aan wali magaciisa la sheegin  uu ka shaqaynayay  Hay’ad waddani ah oo lagu magacaabo “Doonyaale” oo wada shaqayn la leh hay’adda WFP.

 .
Maamulka Ahlu Sunna ee deegaanka kataliya ayaa qiray inuu falkaasi( in barqanimadii maanta nin hubeeysani ku toogtay Degmadaasi Sadex ka mid ahaa Saraakiisha hey’adda WFP) ka dhacay degmada Matabaan, uuna geystay nin kaliya oo kasoo jeedaa deegaankaa iyo inay gacanta kusoo dhigeen ninkii falkaa gaystey,haddana ay ku socoto baaris,caddaaladdana la hor keenayo sidaan waxaa  sheegay Gudoomiyaha Maamulka Fulinta  Ahlu Sunna WJ ee Gobolada Dhexe Sh.Maxamed Yuusuf Xeefow oo la hadlay BBC da iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan C/raxmaan Cabdi Maxamed ‘Sheekeeye’ oo xiriir la sameeyay RM (Codka J.D) sida lagu sheegay Shabakadeeda.

.
Sh.Xeefow ayaa sheegay inay tacsi udirayaan dhammaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan, shaqaalahaa dadkii ay ka dhasheen iyo Hay’adihii ay ushaqaynayeenba.
.

Axmed  M. Nuur “Axmadey”
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com