Home > Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > Shirka Wadatashiga Oo Laysku Mari Waayay Qaybsiga Baarlamaanka

Shirka Wadatashiga Oo Laysku Mari Waayay Qaybsiga Baarlamaanka

Saturday, December 24, 2011

Laaska news  Dec. 24, 2011

Waxaa lagusoo waramayaa in shirkii wadatashiga wajigiisa labaad ee kasocday magaalada garoowe ee xurunta maamul goboleedka Puntland ee socday 3 da maalmood  laguna waday in lasoo gabagabeeyo jimcaha 23/12/2011 uu dib udhacay kadib markii qaybihii ka qayb galayay shirkaasi ay xal u waayeen in ay isku af gartaan,iskuna mari waayay qodob kamid ah qodabadii ajandayaasha u ahaa,taasina keentay in ay dib uga dhacdo waqtigii loogu talagalay in shirku kusoo xirmo si wada jir ahna ay ugu dhawaaqaan madaxda ka qayb galayaashaas.

.
Waxaana soo baxaya warar sheegaya in arrimihii shirkaa looga hadlayay intooda badan ay isla meel dhigeen dhinacyadii shirku,halka qodobka la isku mari waayayna lagu sheegay inuu yahay habka loo qaybsanayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelanayso.

.
Waxaana lagusoo waramayaa in ay wali socdaan kulamo kala gooni gooni ah iyo dhaqdhaqaaq laga dhex wado madaxda qaybahaasi ama wafuudaasi.

.

Shirkan ayaa sida in badani lasocoto waxaa ka qayb galay dhinacyadii horey uga qayb galay shirkii wadatashiga ee Muqdisho,kuwaas oo kala ahaa xubno ama wafuud ay kala hogaaminayeen Madaxda (Xukuumadda TFG da, baarlamaanka,Madaxtooyada,Galmudug,Puntland,AHS).

.
Qodobada la sheegay inay isla afgarteen ayaa waxaa kamid ah:
.

In la dhimo Baarlamaanka, tirada Baarlamaankana  laga dhigo 225,halka warar kalana sheegayaan in laga dhigo 225 – 250 xubnood.
.

In la dhamaystiro diyaarinta dastuurka dalka Soomaaliya yeelanayo ilaa iyo bisha Juun 2012.

.
Waxaase la sheegay tirada Baarlamaanka in kastaba ha noqotee “in laysku mari waayay sidii loo qaybsan lahaa (ama habkii Soomaali loogu qaybin lahaa am ay uqaybsan lahayd  Baarlamaanka Soomaaliya yeelanayo) ma hab qabiil,ma hab gobolaysi,ma degmooyin”.

.

Waxaan meesha lasoo kala dhigtay laba hab oo wax qaybsi ah,lana huwiyay magac ah xulasho ama sidii uu xildhibaanku ku iman lahaa).
.
Labada hab ayaa la sheegay inay kala yihiin:
.

In xubnaha Baarlamaanka lagu soo xusho ama uu kasoo galo ama ay ku yimaadaan habka 4.5 ah ee loo yaqaan habka beelaha ee Soomaali loogu qaybiyay  amaba lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta iyo Baarlamaankeedii.
.
 

Waxaana la sheegay in arrintaasi ay qabaan qaybihii kasocday xukuumadda TFG da,Baarlamaanka,Galmudug,ASWJ.
.
Halka habka kalana uu wato Puntland oo ah hab in lagu qaybsado degmooyinka, ee lagu soo dhisay Baarlamaanadii Soomaaliya ee ka horreeyay   (Xukuumaddii Kacaanka 1969).
.

Waxaana la filayaa in dhawaan dhinacyadaasi ay meel wax isla dhigaan soona saaraan warsaxaafadeed,maadaama ay shirkaasi ay gadhwadeen kayihiin UN ku,mahigana uu darka kujiro.
.

Si kastaba ha ahaatee labada qodob waxay ubaahan yihiin in laga bixiyo tafsiir dheeraad ah,taasna waxaa looga fadhiyaa raggaa labada aragtiyadood kala wata.

.

Habka 4.5 ku Soomaali raali ma ku tahay oo caddaalad ma yahay,mase laga hadlay .5?
.

Waliba arrinta ubaahan in la kala caddeeyo waxaa weeye degmooyinku waa kuwee? makuwii jiray 196okii -1969 kiibaa,mise waa kuwii dawladdii udambaysay ee dalka jiraybaa ee 18 Gobol,Mise waa kuwan hadda Maamuladu bixiyeen?
.

Waxaase is weydiin leh habka  ay dhinacyadani u wada shireen markii hore waa hab noocee ah,Muxuuse ku salaysan yahay?
.

Ma hab dawlad iyo Mucaaradbaa? ma maamul Goboleed yaa? ma dib uheshiisiin baa?

.
Ma khuburo Soomaaliyeed oo Dastuurkii dalka samaynaysaa?
.

Ma beelo Soomaaliyeed oo wax qaybsanayaa?
.
Ma dawlado heshiis wada galayaa?
.
Maxaa madaxweynaha & Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya shirka Keenay?
.

Dhammaan su’aalaha iyo qaar kaloo badan waxay kuu kala caddaanayaan oo jawaabahooda aad helaysaa maalintaad aragtid in la dhisay ciidan Soomaaliyeed oo soo celiya qaranimadii iyo haybaddii umadda Soomaaliyeed.
.

Waxayna digniin u tahay Dawladda hadda jirta!!!!!!!!!!

.
Inta ka horreysa Beelina Beel Wax uma yeerin karto,cid walba iyo maamul walba waxaa ku filan:
.
Looma dhamma!!!!!!!!
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

.

Somalia:Shirka Wadatashiga Oo Soo Dhamaaday,Lagana Heshiiyay Ismari Waagii Qaybsiga Baarlamaanka