Home > SOCIETY, WARARKA > Budhcad Badeed Qabsatay Markab Xamuul Oo Laga Leeyahay Talyaaniga

Budhcad Badeed Qabsatay Markab Xamuul Oo Laga Leeyahay Talyaaniga

Tuesday, December 27, 2011

Laaska news  Dec. 27, 2011                              

Budhcad badeed ayaa  qabsatay markab xamuul oo laga leeyahay Talyaaniga meel ka baxsan xeebta Cumaan ee Gacanka Cadmeed,kaasoo ay saarnaayeen 18 qof oo shaqaalaha markabka ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Faransiiska oo soo xiganaysa mas’uul u hadlay shirkadda Marnavi ee markabkaas leh.

.

 Markabka xamuulka  oo lagu magacaabo Enrico Ievoli ayaa  shaqaalaha saaran waxay ka kooban yihiin 5 Yukreyn ah,6 talyaani,iyo 7 hindi ah.

.

Kabtanka markabka ayaa la sheegay inuu shirkaddii ama ciddii lahayd markabka ku wargaliyay inay budhcad koreen (qabsadadeen) markabka,laakiin aysan jirin cid shaqaalaha oo ay wax  soo gaareen.

.

Warku wuxuu intaa kudarayaa in sanadkii 2006 dii ay budhcad badeed weerareen markabkan xamuulka ah,laakiin kabtanku uu ka ilaaliyay afduubka. 
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com