Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Ingiriiska oo u ololaynaya in Soomaaliya loo soo diro ciidamo caalami ah

Somalia:Ingiriiska oo u ololaynaya in Soomaaliya loo soo diro ciidamo caalami ah

Tuesday, December 27, 2011

Laaska news  Dec. 27, 2011
By SONNA.                   

Dawlada Ingiriiska ayaa maanta sheegtay  in ay dadaal ugu jirto sidii Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo suga ammaanka iyo xasiloonida dalka, kuwaasi oo ka imaanaya wadamada reer galbeedka.

Wargeyska News Baber ee ka soo baxa magaalada London   oo warkan ka soo xigtay wasaarada Arrimaha dibedda ee Ingiriiska  ayaa sheegay in Dawladda Ingiriiska ay bilaabi doonto Olole caalami ah oo Soomaaliya loogu ururinayo ciidamo caalami ah sidii loogu diri lahaa Soomaaliya si ammaankii Soomaaliya ee lumay oo  mudada 20-ka sano ah Dowlad la’aanta ka jirtay dib loogu soo celi lahaa.

Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in London ay doonayso in howlgalka Milateri ee Soomaaliya in ay fuliyaan ciidamada NATO oo hore ugu soo guulaystay howlgalkii ay ku qaadeen Liibiya ee xukuna loogu tuuray Qadaafi.

Wargeysku wuxuu kaloo intaa araaciyay in Dawladda Ingiriiska ayan dooneynin in Ciidamo ay leedahay u soo dirto Soomaaliya,  hase yeeshee ay doonayso in ay ka qeyb qaadato taageerada ciidamo caalami ah iyo u fidinta tasiilaadka xaga lojistikada oo ay u baahanyihiin ciidamada caalamiga ah ee  ay qorsheynaso in sanadka 2012-ka loo diro Soomaaliya.

Dhanka kale R/wasaaraha ingiriiska David Cameron ayaa horey u sheegay in uu magaalada London ku qabanayo shirweynaha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasoo lagu wado inuu dhaco bisha febraayo ee sanadka 2012-ka.

 December 25, 2011

Source: SONNA

RM.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com