Home > TFG Somalia, WARARKA > R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kusoo Noqday

R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kusoo Noqday

Friday, December 30, 2011

Laaska news  Dec. 30, 2011
R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha iyo wafdigiisa  ayaa socdaal kaga soo noqday maamul Goboleedka Puntland iyagoo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso oo ay maalmahan kusugnaayeen.

.

R’isal wasaaraha soomaaliya Prof Cabdiwali Maxamed Caligaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii dambe kasoo dagey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee  magaalada Muqdisho.

.

Wafdigan Ra’isal Wasaaraha oo horey uga qayb galay shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Garowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa kadib socdaal dhulka ah kutagay magaalada Boosaaso ee Gobolka bari,iyagoo sii maray magaalada Qardho.
.

Wafdiga Ra’isal Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Gaashaandhigga, Ganacsiga,wasiirkuxigeenka Boostada & Isgaarsiinta, Xildhibaano iyo mas’uukiyiin ka tirsan dawladda.

.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

.
Mudadii ay wafdigani kusugnaayeen magaalada Boosaaso  waxay kormeer kusameeyeen goobo kaladuwan oo magaalada ah.

 .

 

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com