Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Baladweyne Oo Kudhacday Gacanta Huwanta

Somalia:Baladweyne Oo Kudhacday Gacanta Huwanta

Saturday, December 31, 2011

Laaska news Dec. 31, 2011
Waxaa lagu soo waramaya in ciidamo huwan ah oo isugu jira Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ay maanta barqadii la wareegeen magaalada Baled Weyne.
.

Dhinaca kale Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay  la wareegeen Baledweyne.
.

Waxaa la  sheegaya in ciidamada Itoobiyaan ahi  ay dalka kasoo galeen xuduuda ay Soomaaliya kala leeyihiin ee dhinaca Gobolka Hiiran ee Balad weyne.
.

Afhayeen uhadlay Itoobiya ayaa sheegay inay ciidamadoodu soogaleen, kunasugan yihiin Baledweyne,afhayeenkaas oo BBC du la xiriirtay.
.

Afhayeenkaas ayaa sheegay inay taageerayaan TFG da,kuna soo galeen codsigooda.
.

Dad goob joog ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada itoobiyaan aysoo galeen baled weyne ayna wataan kaarayaal iyo hub culus,awoodda halkaa ka muuqatana ay tahay Ciidan Itoobiyaan ah.
.

Qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas ayaan wali lakala caddayn,waxaase loo badinayaa in qasaaraha dagaal ee magaalada dhexdeeda ah uu aad uyar yahay,waxaana muuqata in xarakudu ay kabaxeen magaalada.
.

Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyaad taageersan dooxada Jubba ay waheliyaan kuwa Itoobiyaanka ah ee magaalada soo galay, sida uu afhayeen u hadlay uu sheegay.
.

lasoco

Adan Black.

Muqdisho.

.

.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com

Advertisements