Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Oo Sheegay Xil ka qaadistii Lagu Sameeyay in ay tahay Sharci darro

Somalia:Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Oo Sheegay Xil ka qaadistii Lagu Sameeyay in ay tahay Sharci darro

Thursday, January 5, 2012

Warka TFG da

Guddoomiye ku xigeen koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii ay  ku sameeyeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo shalay Muqdisho ku kulan ku yeeshay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi weli Ibraahim Sheekh Muudeey oo la hadlay Idaacadda qaranka ayaa sheegay in sharci darro tahay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka in ay xilka ka qaadaan, isagoo xusay in aan loo marin waddadii saxda ahayd.

Sidoo kale waxa uu tilmamaay, in doorashada guddoon cusub ay iyana tahay mid ku saleysan fowdo oo lagu doonayo in qaranka lagu qal qal galiyo, isla markaana aysan jirin wax sharci ah oo ay u mareen dhammaan mudanayaashii arrintaasi sameeyay.

Cabdi weli Muudeey ayaa hoosta ka xariiqay in xilka laga qaadi karo laakin loo baahay yahay arrin  waafaqsan sharciga dalka u degsan.

Ugu danbeyntii ayuu ugu baaqay mudanayaasha xilka ka qaadista ku sanmeeyay in ay dhowraan marxaladda dalka uu marayo iyo sharafta Baarlamaanka.

RM.

.

War Kale:

Kacdoonka Baarlamaanka:Gacan Kahadal Kadhacay,Xil Ka Qaadis Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad

 

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements