Home > TFG Somalia > Soomaaliya – Haweenka Oo Socod Ku Maray Muqdisho,”Taageerid Natiijada Shirka Garowe & Maalinta Socdaalka 3000 ee Haweenka Soomaaliyeed” + SAWIRRO

Soomaaliya – Haweenka Oo Socod Ku Maray Muqdisho,”Taageerid Natiijada Shirka Garowe & Maalinta Socdaalka 3000 ee Haweenka Soomaaliyeed” + SAWIRRO

Friday, January 6, 2012

Laaska News                                                         Warka TFG da.

Muqdisho, January 5, 2012———Kumanaan ka mid ah haween Soomaaliyeed gobolka Banaadir ayaa maanta isugu soo baxay socod dheerna ku maray wadada u dhaxeysa Taaladii SYL iyo Xaawo taako kuwaasoo maamuus u sameynayay maalin ay ugu magac dareen  maalinta socdaalka saddexda kun ee haweenka Soomaaliyeed.

.

 

 

 

.

 

.

.

..

Munaasabadan oo ay soo agaasintay wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa waxaa lagu casuumay Drs. Marwo Hodan Ciise oo ah marwada Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali waxaana munaasabadan ubax lagu dhigay taaladii Xaawo taako oo ka mid aheyd haweenkii halgamayaasha Soomaaliyeed.

Haweenkan ayaa ugu dambeyntii isugu soo uruuray gudaha Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliyeed halkaasoo ay ku sameeyeen gaada ka cayaar, heeso, ciyaaro kala duwan.

Haweenkan ayaa waxa ay taageereen miraha shirkii Garowe ee 21-23 2011 ka dhacay waxayna talaabo wanaagsan ku tilmaameen qoondadii haweenka ee aheyd %30 (boqolkiiba sodon) in laga siiyo haweenka Soomaaliyeed guddiga ansixinta Dastuurka (Constituent Assembly) waxayna madaxda dowladda ugu baaqeen inay dhaqangeliyaan qoondadaasi haweenka loogu balanqaaday shirkaasi Garowe.

Haweenka ayaa waxa ay madaxa ku soo wada xirteen maryo isugu jiray cadaan iyo cagaar waxayna xuseen inay ka tarjumeyso marada cad sida haweenka ay nabadda u jecelyihiin ugana shaqeeyaan halka mida cagaarana ay mataleyso Barwaaqo.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi ka hadlay Marwada Ra’iisul wasaaraha Drs. Hodan Ciise, Wasiirada Haweenka Drs. Caasho, Xildhibaan Qadiijo Diiriye, Drs. Batuulo iyo xubno kale oo ka mid ah haweenkii hormuudka u ahaa munaasabadan iyaga oo ka jeediyay khudbooyin kala duwan kuwaasoo ay diirada ku saareen midnimada Haweenka, Nabadda, iyo in la taageero Dowladda si looga boxo dhibaatada iyo dagaalada.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

 

 

 

This slideshow requires JavaScript.

.

RM.

.

Somalia:Golaha Wasiirada Oo Shir Ku Yeeshay Muqdisho – WARSAXAAFADEED

Somalia:Gudiga Amniga Qaranka Oo Kulan Ka Yeeshay Dhacdooyinkii Ka Dhacay Golaha Shacabka – WARSAXAAFADEED

Somalia: The Kampala Accord

 

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com