Home > TFG Somalia, WARARKA > Qunsul Cabdicasiis Jamac Axmed Juge Oo Geeriyooday

Qunsul Cabdicasiis Jamac Axmed Juge Oo Geeriyooday

Saturday, January 7, 2012

Danjiraha Dawladda Soomaaliya ufadhiya dalka Iran Amb.Khaliif Kadiye Yarow oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in uu geeriyooday AHUN Qunsul Cabdicasiis Jamac Axmed Juge oo ahaa diplomacy Soomaaliyeed oo horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya xaruunteedii & safaarado badan oo soomaaliya dibadda ku leedahay sida Faransiiska,Yemen,Cumaan.

Amb. Kadiye ayaa sheegay in uu Qunsul Cabdicasiis Alla Ha unaxariistee uu xalay 2dii uu go’ay,saakana ay duugeen.

Xilligii ugu dambeeyayna uu joogay Safaaradda Soomaaliya ee Sanca oo hadda laga soo badalay.