Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, TFG Somalia, WARARKA > TALEEX:Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqay Shir Beeleedka Taleex

TALEEX:Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqay Shir Beeleedka Taleex

Wednesday, January 11, 2012

“Tawraddan wixii sababay hoos ka akhri iyo waxa la gudboon Somaliland”

Shir Beeleed ka socda magaalada Taleex ee Gobolka Sool oo ay ka qayb galayaan waxgarad,cuqaal,garaado,aqoonyahanno,  siyaasiyiin, qurbajoog iyo wax garad kale oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa la sheegay inay ergadii shirkaasi ay isla meel dhigeen in maamul Goboleed loo sameeyo deegaanada ay kasoo jeedaan ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn (Buuhoodle).

.

Maamul Goboleedkan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaan doono dawladda Soomaaliya,uuna ka talin doono aayaha iyo masiirka umadda Soomaaliyeed ee degta deegaanada.

.

Shirkan ayaa lagu soo waramaya inuu aad uga duwan yahay shirar ay beeshu horay u yeelan jirtay kadib markii shirka laga soo qayb galiyay Beelaha la hayb sooco.

.

Waxaanse aan wali caddayn in hogaamiyayaasha shirka taleex ay hayaan ama soo hor dhigeen umadda qorshe cad oo ah dib uheshiisiin iyo turxaan bixin oo ay beel walba gudaheeda ka yeelato ayna hormood ka noqdaan nabadoonada iyo cuqaasha Beeluhu,si loo helo umad dhaqan iyo tolnimo ku midaysan,inta aan loo gudbin shir guud oo ay yeelato  Beel weynta Dhulbahante ama aan loo gudbin siyaasad iyo maamul wadaag.

 .

Sida la wada ogsoon yahay siyaasiin iyo dad kale oo kasoo jeeda deegaanada ayaa lagu yaqaanay inay kala taageeraan ama kakala tirsan yihiin dhinacyada Soomaaliland,Puntland iyo dawladda Soomaaliya,taasina ay keentay in la waayo mawqif midaysan oo ay beeshu yeelato,maamuladaasina ay afka kakala sheegtaan,ayna sii kor dhiyaan khilaafka Beesha dhexdeeda ah,kadib markii “dhinacna maamuladaa laga waayay inay la yimaadaan kalsoonida shacabka ay had iyo jeer ay leeyihiin maamulkayaga ayay ka tirsan yihiin”.

 .

Sidoo kalana aan laga helin meelna “wax wada lahaansho iyo awood qaybsi rasmi ah oo ay yeeshaan beeluhu hadday tahay Puntland,Somaliland iyo dawladda Soomaaliyaba”,iyadoo waliba ay dheer tahay “mawqifka goosashada” ah ee ay wataan Beelaha hogaanka u haya Soomaaliland,halka “xukun jacaylkana” looga tagay Beesha hogaanka u haysa Puntland,waxaase kasii daran qolada Muqdisho ee la timid “mandate” kasoo qaata Dr. Farole.

.

SOMALILAND:
.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamad Nuur Caraale oo ka hadlay BBC da ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa:

Wax maamul ah oo laga samayn karaa majirto,dhawaaq mooyaane , fulintiisuna waa wax adag.Goboladaasina waxaa gacanta ku haya oo ay ka tirsan yihiin Somaliland”.

“Dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo ah oo nabadda wax u dhimaaya .. waana eray aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi karin”

Wasiirka waxaan leeyahay meesha caddaalad darro ayaa ka dhacday oo lagu sameeyay bulshada SSC waadna og tihiin inta  ay beeshu ku leedahay Somaliland,Puntland,Soomaaliya  iyo inaanay soo gaarin lacagtii caalamku ugu talagalay goboladaa,qof xaqiisa doonayana in la yiraahdo “amniguu wax u dhimayaa” ama layiraahdo “fidno” ayaa shirkaa kasoo socota  oo ay fa dhiyaan garaadadii Beeshu oo waliba kasoo yeedhay hogaamiye Xisbi  gar maaha.

.

Haddaad dadka dhulnbahante aad doonaysaan ama SSC waa dhib yar tahay xalkeedana aniga ayaa kuu haya waa maxay?
.

Waxaa kaliya oo idiin furan laba arrimood midkood:

1.Inaad taageertaan maamulkaa ay sheegeen inay samaysteen Bulshada SSC.

2.Runta oo aynu isku sheegno oo aynu ku dhawaaqno in laga noqday goosashadii oo aynu koonfur iyo waqooyi  awoodda dalka u qaybsanno,waliba caasimadda kula tartan Muqdisho ama 6 dii biloodba meel waa caasimaddee.

.

.

Haddii aad talada la diido dee faylka dacwado kolay Mahiga ayuu u tagaya ee la soco…………………..

.

“Carab Dheere” 

.

Qoraa,Cilmi Baare  madaxbanaan.

Laascaanood.

.

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com