Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Siilaanyo Oo Ka Kahadlay Mawqifkiisa Shirka Taleex

Siilaanyo Oo Ka Kahadlay Mawqifkiisa Shirka Taleex

Saturday, January 14, 2012

Hargeysa Jan.14 – Madaxwynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo hadal ka hor jeediyay labada gole iyo warbaahinta ayaa sheegay mawqifka Somaliland ay kaqabto Shirka Taleex (Khaatumo 2).

Mr.Siilaanyo ayaa sheegay inaysan ogolayn in la kala qaybiyo Soomaaliland!!!!!!
.

Waxa uu tilmaamay in shirkaas majara habaabiyeen “koox fidnawadayaal ah”.

Mr.Siilaanyo oo ka hadlaya shirka Taleex iyo mawqifka uu ka qabo  sida laga siidaayay BBC da waxaa hadaladiisa kamid ahaa:

.

Shirka Taleex wuxuu ku bilaabmay jawi nabadgalyo oo beel kamid ah beelaha somaliland  ay kaga arrinsanaysay arrimaheeda dhaqan iyo horumarineed intaannu ognahay.

Waxaase shirkaas majara habaabiyay koox fidnawadayaal ah oo qaarkood  horrey  ugu caan baxeen nacaybka Soomaaliland,nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu ay tahay inay colaad ka hurriyaan deegaan nabdoon.

Beesha Sool iyo dhammaan Beelaha  reer Soomaaliland waxay ubaahan yikiin nabadgalyo iyo horumar.

Dawladda Soomaaliland marnaba ma ogolaan doonto inay qarankan lakala jabiyo,lakala qaybiyo iyo in lagu qadhaabto magacyo aan jirin.

Waxaan difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliland.

Intii mas’uulka ka ahayd shir qoolkaasna waxaannu u aragnaa inay yihiin dambiilayaal qaran.

.

Mr. Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata :

Waxgaradka,samataliska,iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqaynaa inay ka fajignaadaan,iskana jiraan,fidnadaa ay la wareegayaan kooxdaa kusoo duushay wadajirka umadda.

Hadalka Siilaanyo ayaa kusoo aadaya iyadoo warbaahinta laga sheegay dhawaan in ergada shirkaasi ay isku raaceen in maamul goboleed laga sameeyo gobolada ay kasoo jeedaan beesha Daraawiishtu,maamulkaas oo noqonaya mid ka madax banaan labada maamul ee PL & SL.Sidoo kalana la filayo saacadaha innagu soo aadan in shirkaas laga helo warar dheeraad ah iyo go’aano ka soo baxa shirkaa.

.

Si kastaba ha ahaatee waxaynu eegnaa jawaabta laga bixiyo hadalada kasoo yeeray Mr. Siilaanyo.

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements