Home > ALL DARWIISH NEWS, POLITICS, WARARKA > Buuhoodle:Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Buuhoodle

Buuhoodle:Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Buuhoodle

Sunday, January 15, 2012

Wararka nasoo gaaraya ayaa ku waramaya in ciidamada somaliland ay saaka aroortii dagaal Ku qaadeen magaalada Buuhoodle,isla markaana ay gudaha ugaaleen,lagana saaray.
.

Warkii udambeeyay ayaa sheegaya magaalada inay hadda gacanta ku hayaan dadka deegaanka.
.

Waxaana lagu soo waramaya in ay jirto qasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

.
Wararka qaar ayaa sheegaya in tignikadii lagala baxay ka hor intii aanay ciidankaa ka amar qaata Mr. Siilaanyo aysan gudaha usoo galin magaalada dhinaca Galbeed ka soo galin.
.
Dagaaladan ayaa si kadis ah ubilawday in kastoo ay jirtay xiisad xagga warbaahinta ah iyo hanjabaado ka imanayay dhinaca Soomaaliland tan iyo  markii magaalada Taleex lagaga dhawaaqay maamul goboleed ay yeeshaan SSC
.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay saaka aroortii ku waabariisteen magaalada Buuhoodle,kadib markii Ciidanka Buuhoodle ay xalay weerar kusoo qaadeen ciidankooda kusugnaa Qorulugud,dagaalkuna uu sidaa ku socday,ayna saaka sidaa ku galeen.
.

Wasiirkaa ayaa raaciyay inay magaaladii qabteen,wuxuuse qiray in wixii tikniko haysteen ay kala carareen oo dibadda ula baxeen.

.

Afhayeen u hadlay Buuhoodle:

 .

Dhinaca kale afhayeen u hadlay Buuhoodle ayaa sheegay
 inay jab ugeysteen ciidanka Soomaaliland ee weerarka kusoo qaaday magaalada Buuhoodle,ayna kasaareen ayna dagaalka wadayaan ilaa ay geeyaan goobihii ay kasoo duuleen.

.

Warar madax banaan oo laga helayo deegaanka ayaa kusoo waramaya inay hadda magaalada Buuhoodle ay gacanta ugu jirto ciidamo deegaanka ah,dagaalkuna uu istaagay laakiin aysan ka fogayn kuwa Soomaaliland oo markasta uu dagaal dib ubilaaban karo.

.
Waxaa kale oo lagu soo waramaya in   halkaasi kajirto qax ,abaabul dagaal & xiisad colaadeed.

.

BY:Adan Diiriye (Adan Yare).

.

 

 

Related Articles:

Somaliland Oo lagu Casuumay Shirka Ingiriiska Ka Dhacaya,Soona Dhaweysay

BREAKING NEWS:Khaatumo State of Somalia

Buuhoodle:Faahfaahin Weerarkii Ciidamada Somaliland Ku qaadeen Buuhoodle

Buuhoodle:Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Buuhoodle

Siilaanyo Oo Ka Kahadlay Mawqifkiisa Shirka Taleex

TALEEX:Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqay Shir Beeleedka Taleex

Kalshaale 2011

.

Laaska News.