Home > SOCIETY, WARARKA > Somalia:Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Jilib Oo La Sheegay inay Laayeen Caruur

Somalia:Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Jilib Oo La Sheegay inay Laayeen Caruur

Monday, January 16, 2012

Wararka kasoobaxaya duqayn diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Jilib 15/1/2012 ayaa ku waramaya in ay ku waxyeeloobeen duqayntaasi dad rayad ah oo waliba  caruur ubadan, ayna ku jiraan 5 qof oo isku qoys ah.
.
Diyaaradaha duqayntaas geystay ayaa la tuhunsan yahay inay yihiin diyaaradaha dagaalka ee Kenya sida ay sheegayaan dadka deegaanka kusugan oo warbaahinta la hadlay.
.

Dad ay waraysiyo  Idaacadda BBC du ka qaaday oo  goob joog ah dhacdadaas iyo dad ehelo la ah dadka ay soo gaareen dhimashada iyo dhaawaca ayaa sheegay in ay ku dhinteen 6 qof kuna dhaawacmeen 4 qof inta ay og yihiin.
.

Waxay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan 4 caruur ah oo walaalo ah,mid kalana uu dhaawacmay,kadib markii duqayntaasi gurigooda haleeshay,isla gurigaasina ilmo kale oo dariska ahaana uu ku dhintay.
.

Waxay sheegeen in caruurtaasi uu dhalay guddoomiyihii hore ee degmada Jilib oo markaa isagu ku maqnaa Muqdisho,halka hooyada caruurta dhashayna ay ku maqnayd Suuqa.
.

Saddexda kale ee dhimashada ah ayaa la sheegay inay iyaguna ahaayeen caruur, laba kamid ah ay ka yimaadeen dugsi,halka qofka kalana lagu sheegay gabar yar.

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

 

Advertisements