Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Faarax Macalin Oo Socdaal Kutagey Hargeysa Kuna Baaqay in nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo Dagaalka Buuhoodle

Faarax Macalin Oo Socdaal Kutagey Hargeysa Kuna Baaqay in nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo Dagaalka Buuhoodle

Wednesday, January 18, 2012


Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin
ayaa socdaal kutagay Magaalada Hargeysa shalay oo bishu ahayd 17/1/2012.
.

Gudoomiye Kuxigeenka Kenya Faarax Macalin oo aan horay loo sii shaacin socdaalkiisa uu ku tagay Hargeysa ayaa  la sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay ka mid ahayd inuu dajiyo xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaanada ay degto Beesha Sool ama SSC hadba sidaad u taqaanid,gaar ahaan dagaalkii dhawaan ka dhacay Buuhoodle ee dhex maray ciidamo deegaanka ah  iyo ciidamada  Soomaaliland,iyo sidoo kale xiisadda ka dhalatay maamul Goboleedkii dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Taleex.

.

Mr. Farah ayaa lagu soo waramaya inuu shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayna kawada hadleen xaaladaha dagaal soo cusboonaaday iyo sidii wadahadal loogu dhammayn lahaa dagaalka Buuhoodle.

.
Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya Mr. Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi hadal  qawmi ah:

in nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo dhibta jirta oo aan marnaba la ogolaan in dhiig Soomaaliyeed  la daadiyo.

Farax ayaa sheegay in uu ku rajawen yahay in wadahal lagu dhameeyo wax kasta, oo lays celiyo oo caqligu shaqeeyo.
.

Mr.Faarax waxa uu sheegay “in uu Siilaanyo kala hadlay ayna kawada hadleen sidii nabad iyo wadahadal loogu dhammayn lahaa, dagaalkana la joojiyo,ayna isku afgarteen Mr. Siilaanyo, uuna ka aqbalay,dhinaca kalana uu usocdo habkii uu ula xiriiri lahaa dhinaca kale”, sidaana wuxuu ka sheegay su’aal ay weydiisay BBC du isagoo kusugan magaalada Hargeysa.

.

Farax oo ka jawaabaya su’aal uu weydiiy wariyaha BBC da Mr. A.S.Cige oo kusaabsan inuu dhinaca Buuhoodle laxiriiray oo sheegay in laga soo sheegayo abaabul una baahan in degdeg loola xiriiro,ayaa waxa uu sheegay:

 inuu khatar walba ugalayo sidii loo baajin lahaa dhiig Soomaaliyeed oo daata,xitaa hadday noqoto inaan u tago waan utagayaa,haddan waan laxiriiray,odayaashiina waa la’iigu maqan yahay.

 

 

Related Articles:

Somaliland Oo lagu Casuumay Shirka Ingiriiska Ka Dhacaya,Soona Dhaweysay

BREAKING NEWS:Khaatumo State of Somalia

Buuhoodle:Faahfaahin Weerarkii Ciidamada Somaliland Ku qaadeen Buuhoodle

Buuhoodle:Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Buuhoodle

Siilaanyo Oo Ka Kahadlay Mawqifkiisa Shirka Taleex

TALEEX:Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqay Shir Beeleedka Taleex

Kalshaale 2011

.

Laaska News