Home > TFG Somalia, U & O, WARARKA > Dr.Augustine Mahiga Oo kormeeray Xafiisyada Q.M ay furaneyso

Dr.Augustine Mahiga Oo kormeeray Xafiisyada Q.M ay furaneyso

Thursday, January 19, 2012

Laaska news  Jan 19, 2011         Warka TFG da

Muqdisho (Jan 18)-Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kormeer ku sameyay xafiisyada Qaramada Midoobay looga furayo Muqdisho.

Dr. Augustine Mahiga iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay soo kormeereen xarunta ugu weyn ciidammada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane, si uu ugu kuurgalo suurtagalnimada in xafiisyada Qaramada Midoobay halkaasi laga furi karo.

Ergeyga xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu haatan kulamo la leeyahay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Dabayaaqadii sanadkii tegay ayay ahayd markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uu Muqdisho booqasho ku yimid, isagoo shaaca ka qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS bisha January laga furi doono magaalada Muqdisho.

RM.