Home > ALL DARWIISH NEWS, News, WARARKA > Laascaanood -Mudaharaad Isku Rogay Iskudhac Geystayna Qasaare

Laascaanood -Mudaharaad Isku Rogay Iskudhac Geystayna Qasaare

Saturday, January 21, 2012

updated:Dhimasho hal qof oo dhaawac ku dhintay   iyo 7  dhaawac ah oo ku ijira Isbitaalka

Las-Anod,Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa kusoo waramaya in saaka uu ka dhacay magaalada mudaharaadyo isku rogay rabshadi iyo isku dhac dhexmara dadkii mudaharaadayay iyo Ciidamada.

.

Dadkaa mudaharaadayay ayaa la sheegay inay ubadnaayeen dumar iyo dhalinyaro ayna saaka udareereen mudaharaad uuna socday ilaa duhuradii.

.

Kacdoonkan waxa sababay ayaa waxaa kasoobaxaya warar kaladuewan.

Waxaana soobaxay oo dadkaa lasoo gaarsiiyay in mudaharaadyo lagaga soo horjeedo qadiyadahooda ay ka dhacayaan magaalooyinka kale sida Burco iyo Hargeysa.

Waxaase la xaqiijiyay inay dadkaasi ay taageerayeen SSC marka loo eego halku dhigyadooda,halka kuwo kalana ay ku dhawaaqayeen Khaatumo,kanasoo horjeedeen Somaliland.

.

Sidoo kale qasaaraha uu geystay ayaa waxaa kasoobaxaya warar kaladuwan,waxaase la hubaa inuu jiro dhaawac tobon ka badan  inkastoo la sheegayo inay jiraan 2 qof oo dhimasho ah.

.

Ciidamo farabadan ayaa la sheegay in ay joogaan magaalada oo rabshadaha loo soo gashay.

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo warbaahinta la hadlay ayaa isagu beeniyay inay jirto wax dhimasho ah wuxuuse sheegay 12 dhaawac ah isagoo soo xiganaya mas’uuliyiinta caafimaadka.

Laaska News.

Advertisements