Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Qarax Ka Dhacay Baledweyne Oo Qasaare Geystay

Somalia:Qarax Ka Dhacay Baledweyne Oo Qasaare Geystay

Tuesday, January 24, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in qarax weyn uu ka dhacay saaka magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan uuna geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac iyo burbur.

.

Gaari uu watay qof is-qarxinaya ayaa la sheegay inuu jaf yiri dhismaha xaruunta maamulka ee Baladweyne,gaarigaas oo la sheegay marka uu kasoo leexday wadada oo uu soo beegsaday dhismaha, in ilaaladu ay rasaas kufurtay ,uuna ku qarxay illinka,kadibna uu ku libdhay dhismaha,sida ay sheegtay BBC du.
.
Warka wuxuu intaa ku daraya in shabaab sheegatay inay dileen 10 askari oo itoobiyaan ah.
.
Dhismahan ayaa la sheegay inay bar ama xero u ahayd ciidamada Itoobiyaanka ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta magaalada.
.
Mas’uuliyiin kusugan halkaa oo ka tirsan maamulka magaalada  Beledweyne ayaa sheegay inaysan jirin dhimasho ee uuse jiro dhaawac,ninka is qarxiyayna uu banaanka ku qarxay oo uu kaligii ku dhintay.
.
Warar kale ayaa sheegaya in in dhimashadu gaarayso ilaa 20 qof.

BBC.

ma jiraan  ilo  madax banaan.