Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Somalia:Dagaal ka dhacay Deegaanka Buuhoodle

Somalia:Dagaal ka dhacay Deegaanka Buuhoodle

Thursday, January 26, 2012

Laaska News  Jan 26, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaal ka dhacay galabta deegaan udhaw Buuhoodle.
.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilawday qiyaastii 3:oo dii galabnimo kadib markii ciidamada Soomaaliland ay weerar kusoo qaadeen aagga hore ee ay maalmahanba isku hor fadhiyeen ciidan beeleedka Reer Buuhoodle iyo ciidamada Somaliland ee u dhaxeeya Sool Joogto iyo Buuhoodle.

.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa dagaalkii  ugu xumaa ee baryahan ka dhaca deegaanada marka loo eego hubka laysku adeegsaday iyo qasaaraha uu geystay ee soo gaaray labada dhinac.
.
Waxaa lagusoo waramayaa in ciidamada Soomaaliland ay soo qaadeen weerarkii ugu xumaa ayna la kulmeen difaacii ugu adkaa,uuna labada dhinac soo gaaray dhimasho iyo dhaawac farabadan.

.
Weerarka ayaa loo badinayaa in Soomaaliland ay ku doonayeen inay beegsadaan magaalada Buuhoodle oo ay soo gaadheen,kuna sugnaayeen waqtigaa ergedii iyo masuuliyiin ka yimid halkaa iyo shirkii Khaatumo ama halbawle u ah maamulka Khaatumo.

.
Waxaana la filayaa in tirada rasmiga ah ee dhimashada  la heli doono marka waagu baryo maadaama dagaalka laysku habeensaday.
.

Haddii wararka soo baxayaa ay run noqdaan waxaynu eegnaa bal cidda lulan doonta.
.

Waxaana mas’uuliyadda qaadi doonta cidda ay ku cadaato weerarka.

.

Maxamed Cali.

.

Dagaalkii . January 15, 2012

Buuhoodle:Faahfaahin Weerarkii Ciidamada Somaliland Ku qaadeen Buuhoodle

Buuhoodle:Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Buuhoodle

Khilaafka:

Somaliland Oo lagu Casuumay Shirka Ingiriiska Ka Dhacaya,Soona Dhaweysay

BREAKING NEWS:Khaatumo State of Somalia

Siilaanyo Oo Ka Kahadlay Mawqifkiisa Shirka Taleex

TALEEX:Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqay Shir Beeleedka Taleex.

Dagaalka & Khilaafka:

Kalshaale 2011

.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com

Advertisements