Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Dagaalka Buuhoodle:Weerarkii Somaliland,Jilib Dhiggii Reer Buuhoodle,Qasaaraha

Dagaalka Buuhoodle:Weerarkii Somaliland,Jilib Dhiggii Reer Buuhoodle,Qasaaraha

Friday, January 27, 2012

Laaska News Jan 27, 2012

.
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Buuhoodle ayaa kusoo waramaya in ciidamada Soomaaliland ay weerarka soo qaadeen dagaalkii shalay dhacay iyagoo ku hubaysan tikniko fara badan,dadka deegaanka reer buuhoodlana ay jilibka u dhigeen ama guul ama geeri,halkaana uu ka dhacay sidaannu horay u sheegnay qasaare lixaadleh oo isugu jira dhimasho,dhaawac,maxaabiis laqabtay,gaadiid lagubay iyo mid la qabsadaybaintaba.
.

Warka horudhaca ah ee aan ka helnay dad la rumaysan karo ayaa sheegaya indhinaca Buuhoodle soo gaaray 23 ama 24 dhimasho ah,dhawr iyo 30 dhaawaca ah oo rag dhawr iyo tobon gaaraya ay dhaawac culus yihiin.
.
Ragga dhintay waxay ubadan yihiin hal jilib oo aanan rabin inaan halkan ka sheego hadda.
.
Dhinaca Soomaaliland waxaa la helay 6-7 mayd ah oo goobta laga helay.
.
Waxaa laga qabtay rag ciidan ah oo ay ku jiraan 3-4 dhaawac ah.
.
Ciidamada Soomaaliland waxaa lagu qasbay inay dib ugurtaan oo ay ku noqdaan meelihii ay kasoo duuleen kadib markii ay reer Buuhoodle ay goosteen inaysan goobta ka kicin.
.
Dagaalakan shalay dhacay wuxuu sababayaa in qaar badan oo beesha sool kasoo jeedaa oo awal maamulkaa taageerada u hayay inuu maanta ka tashado oo ay ugu horreeyaan beelihii reer laascaanood ee awal loo mari waayay ama dagaalo ay ka bilawdaan deegaano kale oo awal nabad ahaa waxaana fashilaadaa nabadda ku dhacday ka mas’uul ah dhiig yacabada dagaalka wada ee usoo tafaxaytay godobta iyo colaadda dadka dariska ah.
.
Waxaannu caalamka ugu baaqaynaa inaan la eegan xasuuqa kasocda deegaanka Buuhoodle iyo dagaalka sokeeye ee maamulka Siilaanyo ka hurinayo deegaankaa loona soodiro koox xaqiiqa raadis ah.
.
Wuxuuna dagaalkan halis uyahay inuu saameeyo hawd iyo nugaalba.
.
Waxaan ugu baaqaynaa UN ka iyo Hay’adaha Xuquuqal Insaanka inay bad baadiyaan dadkaa deegaanadooda lagu weerararayo iyo askartaa laga keenayo deegaanada kale ee aan lagaranayn waxa loogu laynayo deegaanno aysan ab iyo isirtoona u lahayn ee ka tagaya agoomaha aan cidina daryeeleyn.
.
Waxaan ugu baaqaynaa maxakamadda dambiyada dagaalka inay usoodiraan deegaanka Buuhoodle koox xaqiiqa raadis ah.

.
Somali Researcher.

Laascaanood.
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com

 

……………………………………………………………………………………………………..

FIKRADDA AKHRISTAYAASHA:

 

From: Abdirisak Ismail Adan          27/01/2012        at 12:59 pm

Waxaan qabaa in nabad iyo wada hadal lagu dhamaystiro dhibaatada ka aloosan sool iyo sanaag, waxaan filayaa in aanay dantu ku jirin dagaal labada dhinac ba. dagaal waa daashaday umada somaaliyeed, haatan iyo dana waa in la wada hadlaa.

.

Cabdirisaaq Ismaaciil Aadan.

…………………………………………………………………………………………………….

Dear Cabdirisaaq.

.

Waad ku mahadsan tahay fikradaada.

.

Laaska News.