Home > Baargaal, PUNTLAND, WARARKA > Baargaal:Xildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Duleedka

Baargaal:Xildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Duleedka

Saturday, January 28, 2012

Laaska News  Jan 28, 2012

Wararka laga helayo magaalada Baargaal ayaa kusoo waramaya in shalay galabtii waqti gaaban ay dabley hubaysani ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabi jiray Bile Maxamuud Yuusuf xilli uu sii galayay magaalada Baargaal meel aan ka fogayn togga Baargaal .

 .

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in 3 qof oo kale ay dhaawacmeen oo midi yahay darawalkii xildhibaanka,halka labada kalana lagu sheegay inay kamid yihiin dableydii,kadib markii ay dableydaasi hor istaageen inuu xildhibaanku deegaanada ugudbo, ayna halkaasi ka dhacday in laysku afgaran waayay.

.
Warka ayaa wuxuu intaa ku darayaa in xildhibaanku Alla ha unaxariistee uu kasoojeedo isla deegaanka Cal-Bari gaar ahaan deegaanka Caluula,sidoo kalana ay dableydaasi ay iyaguna kasoo jeedaan, kana yimaadeen Caluula,ayna taageersan yihiin maamulka Caseyr oo ay leeyihiin xuduudii ……..
.
Waxaa xusid mudan in Baargaal iyo Caluulaba ay hal Beel wada degto.
.

Si kastaba ha ahaatee waa arrin kucusub deegaanka Cal-Bari
waxaana muuqata in deegaankii Cal-Bari ay hawli kusoo korodhay.
.
Waxaan ugu baaqaynaa in arrintaa si deg deg ah wax looga qabto oo aysan intaa ku dhaafin.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements