Home > WARARKA > Somalia:Dagaal La sheegay Inuu ka dhacay Deegaanka Jasiira, Duleedka Muqdisho

Somalia:Dagaal La sheegay Inuu ka dhacay Deegaanka Jasiira, Duleedka Muqdisho

Tuesday, January 31, 2012

Laaska News Jan 31, 2012

Muqdisho – Waxaa lagu soo waramayaa in uu dagaal saaka ku dhexmaray ciidamada dawladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada shabaab duleedka Muqdisho,halka lagu magacaabo jasiira,oo kaabiga ku haysa dugsigii hore ee tababarka Xalane oo hadda ah xaruunta ugu weyn ee midawga afrika ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh,uuna dhacay kadib markii ciidamada shabaab ay weerarar aroornimo ku qaadeen goob ku taala deegaanka jasiira ee duleedka K/Bari ee Muqdisho oo fariisan u ahayd ama ay joogeen ciidamada dawladda KMG Soomaaliya .
.

Ciidamada Shabaab ayaa la sheegay inay lawareegeen aagaas muddo laba saac ah sida uu BBC da ka sheegay ama ku waramay war tabiyaha BBC da ee Muqdisho.

.

Waxa uu ku daray in laga saaray kadib markii ay halkaasi tageen ciidamo gurmad ah oo dawladda KMG Soomaaliya kasocday.
.

Dagaalkan ayaa la sheegay inta la ogsoon yahay inay ku dhinteen 8 qof,ayna ku dhaawacmeen in kabadan 10 kale oo qaybihii dagaalamayay ah.

.
Abaanduulaha ciidamada XDS ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadoodu ku raad joogaan kooxihii weerarka soo qaaday,ciidamadoodana ay ku dhaw yihiin deegaanka dhanaane.

BBC.
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com

Advertisements