Home > WARARKA > 56 Qof Ku Dhintay Rabshadaha Suuriya

56 Qof Ku Dhintay Rabshadaha Suuriya

Monday, February 6, 2012

Laaska News  Feb. 6, 2012

Waxaa lagu soo waramaya in rabshadaha kasocda Suuriya ay  guud ahaan Axaddii ku dhinteen 56 qof oo 28 ka mid ah ay yihiin dad rayad ah,isku dhacyada dhexmaraya ciidamada amniga iyo dadku mudaharaadaya magaalooyin kala duwan oo Suuriya ah sidaana waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee RIA Novost oo soo xiganaysa koox xuquuqal insaanka oo Suuriaan ah.
.

Kooxda xuquuqal Insaanka ah oo fadhigoodu yahay Ingiriiska waxay sheegeen in meesha ugu daran ee ay rabshaduhu jkasocdeen ee Xumus ay ku dhinteen 23 qof oo rayad ah idku dhacyadii Axadda,rabshadaha waxaa kale oo ay hay’addaas xuquuqal insaanka ah sheegtay in ay dhinteen 28 xagga dawladda ah.
.

Xagga UN ka ayaa ku qiyaasay inay rabshadaha suuriya ku dhinteen in kabadan 5000 qof oo labada dhinac ah tan iyo inyii ay mudaharaadyadaasi ay kaceen ee bishii 3aad ee kal hore.

(RIAN)
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com