Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Buuhoodle – Dagaal Saaka ka dhacay Deegaanka Maygaagle

Buuhoodle – Dagaal Saaka ka dhacay Deegaanka Maygaagle

Wednesday, February 8, 2012

Laaska News  Feb. 8, 2012

Hawd (LN) – Waxaa laga soo waramayaa in dagaal uu saaka ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Buuhoodle, meel aan ka fogayn Maygaagle oo dagaalkaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Somaliland.

Warka ayaa wuxuu intaa ku darayaa inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmaray.
.
Dagaalkan saaka ka dhacay deegaano hoos taga Buuhoodle ayaa waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan marka loo eego cidda weerarka soo qaaday,meeshuu ka dhacay iyo qasaaruhu geystay intaba.
.
Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in markii hore lala kacay ciidamada somaliland oo laga qabsaday goobihii ay ku sugnaayeen,markii dambase ay iyana markoodii la keceen ciidamada kasoo jeeda deegaanka.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Somaliland laga qabsaday deegaanadii ay ku sugnaayeen markii hore,hase ahaatee ay rogaal celin sameeyaan kadib markii uu soo gaaray gurmad xoog leh iyo dib uhabayn dagaal,dibna ay u qabsadeen goobihii, ay maleeshiyaadka deegaanka ah ay ka qabsadeen markii hore.
.
Qasaaraha uu geystay dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa kasoobaxaya warar kala duwan,waxaase ilaa hadda la xaqiijiyay dagaalkaasi uu geystay qasaare isugu jiro dhimasho,dhaawac,maxaabiis iyo gaadiid intaba.
.

Waxaa la filayaa in warka dagaalkan la heli doono saacadaha soo socda  haddii alla idmo.

.

Maxamed Cali.

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com
.

Advertisements