Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Baarlamaanka Britain Oo Dood Ka Yeeshay Arrimaha Soomaaliya

Somalia:Baarlamaanka Britain Oo Dood Ka Yeeshay Arrimaha Soomaaliya

Friday, February 10, 2012

Laaska News Feb. 10, 2012        Warka TFG da

Baarlamaanka dalka Britain oo dood xasaasi ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa isku raacay in la xoojiyo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa dowlad joogto ah iyo in dowladda Britain ay caalamka u iftiimiso wax u qanashada Soomaaliya.

.

Doodda Baarlamaanka dalka Britain ayaa ahayd mid xasaasi waxyaabaha looga doodayna waxaa ka mid ah shirka haddal heyntiisu badatay ee magaalada London ka furmaya 23-ka Bishan, Burcad badeedda, ka hortagida argagixisada iyo waxyaabo kale.

.

Sidoo kale inta ay socotay doodda Baarlamaanka Britain ayaa la isku soo qaaday in xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay loo baahnaa in goor hore wax laga qabto, balse la xoojiyo sidii ay dowladda Ingiriiska uga soo dhallaali hayd doorka uga aadan arrimaha Soomaaliya.

.

Xog yahayaha arrimaha dibedda ee Britain William Hague ayaa soo jeediyay in Ajandayaasha Baarlamaanka ay ka doodayaan lagu daro sidii taageero caalami ah oo ka timaada dhanka dowladda Britain la siin lahaa Soomaaliya si ay u xoogeyso dowladda hadda jirta, isla markaana looga gudbo Marxaladda KMG ah.

.

Jeremy Cordon waa mudane ka tirsan Baarlamaanka Britain waxa uu aaminsan yahay in shirka magaalada Londan ka dhacaya ee laga gorfeenayo arrimaha Soomaaliya in uu yahay mid guul u ah dhammaan Soomaaaliya.

.

“waxaa wax lagu farxo ah in Soomaaliya ay iyadu ayaaheeda ka tashato, shirka London ka dhacaya waxaa illa wanaagsanaan lahayd in uu ka dhaco gudaha Soomaaliya sidaas ayuu xalka ku imaan karaa laakin waxaa jira daruufo kala duwan” ayuu haddalkiisa sii raaciyay Jeremy Cordon.

 

Dowladda Britain ayaa caalamka u muujineysa sida ay uga heelan tahay dhameynta mashaakilka Soomaaliya, iyadoo dowladda Inagiriiska ay ku adkeesaneyso shirka 23-ka bishan ka dhacaya magaalada London in uu yahay in ka turjumaya xalka Soomaaliya, maadaama shirkaasi lagu casuumay hoggaamiyaasha caalamka intooda badan.

.

RM.
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com