Home > IGAD, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo Jabuuti shir uga furmay

Somalia:Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo Jabuuti shir uga furmay

Friday, February 10, 2012

Laaska News Feb. 10, 2012             Warka TFG da

Shir gaar ah ayaa maanta magaalada Jabuuti ee Janhuuriyadda dalka Jabuuti uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay shirkaasi uga qeyb galaan wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka Qorsheynta.

Shirkan maanta uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD ayaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid tahay shirka magaalada London ka furmaya bishna aynu ku jirto isla markaana arrimaha Soomaaliya xal loogu raadinayo.

Sidoo kale waxaa wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ay kulankooda ku muujinayaan mowqifka ay ka joogaan shirka London, iyo sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Shirka maanta Jabuuti ka furmay ee ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa waxaa Soomaaliya goob joog uga ah Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahi iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah mudane C/llaahi Barre Goodax.

Shirkan gaarka ah ee wasiirrada urur gobolleedka IGAD ayaa la filyaa in laga soo saaro War Murtiyeed ka kooban qodobo badan oo ay ugu horeyso arrimaha Soomaaliya.

.

RM.
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com