Home > Faallo, WARARKA > Qaraarkii Suuriya Oo Mar Kale La Geeyay QM,Xiisadda Bariga Dhexe Iyo Rajada Somalia

Qaraarkii Suuriya Oo Mar Kale La Geeyay QM,Xiisadda Bariga Dhexe Iyo Rajada Somalia

Saturday, February 11, 2012

Laaska News Feb. 11, 2012

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in carabtu ay mar labaad ugudbiyeen Qaramada Midoobay qaraarkii jaamacadda carabtu kasoo saareen Suuriya ee ku saabsanaa rabshadaha Suuriya.

.
Qaraarkaa Carabta ayaa markii hore,waxaa taageeray Waddamada reer Galbeedka,waxaase hor istaagay oo u adeegsaday codka diidmada qayaxan waddanada Ruushka iyo shiinuha.

.
Waddanka Sacuudiga ayaa hadda banaanka isa soo dhigay oo qaraarkii ugudbiyay Qaramada Midoobay,waxaana lagu wadaa in laga doodi doono maalinta Isniinta ah.

.
Dhinaca kale Boqorka Sacuudiga ayaa duray codka diidmada qayaxan ee ay waddamada Ruushku iyo Shiinuhu ku hor istaageen in Suuriya qaraar lagu soo saaro.

.
Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya in jabhadda Suuriya ka dagaalamaysa la taageero si xukunka looga tuuro Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad.
.

Haddii arrintaasi ay dhabawdana waxaa dhici karta in Bariga dhaxe uu ka bilawdo dagaalkii saddexaad ee adduunka,waxaana hadda socda gaashaanbuuraysi qayaxan,oo marba dawlad lagu afgambinayo iyo dawladaha Iran iyo Ruushka oo iyaguna leh waaba nalaku soo dhaw yahay!!.
.

Waddamada Ruushka iyo Iran oo ay xulufo hoose yihiin waddanka Suuriya ayaan marnaba raali ka noqonayn wixii Suuriya ku lid ah..
.

Hindiya iyo Bakistaan ayaa iyaguna diiday cuna qabatayn lagu doonayay in lasaaro saliidda Iran,badeecada,qalabka iwm

.
Waxaa kaloo intaa dheer waxaa soo kordhaya kala fogaansho hor leh oo soo kala dhex galaya Shiicada iyo Sunnida bariga dhaxe.

.
Marka xiisadda Bariga dhexe ay soo siyaadaba waxaa caalamku xusuusanayaa marin biyoodka ku teedsan Soomaaliya,waxaana waqtigaa la maqlaa waddamo hadal haya Soomaaliya iyo shirkado Batrool oo ordaya…………

.
Haddaba lasoco caalamka oo ka tabaabushayso, Soomaaliyana marka loo eego meesha ay ku taalo, waqtiyada foodda innagu soo haya haddii xiisadaas bariga dhaxe sii kululaato waxay Soomaaliya noqonaysaa oo la dhisayaa dawlad ama waxay ku dhacaysaa gacan oo waxay noqon meel laqabsado.

.

Waxyaalaha Soomaaliya hor taagan waxaa kamid ah:

Wal  walka ugu weyn  ee taagan waa saliidda Koonfurta Suudaan meeshii la marin lahaa oo Soomaaliya baqdin looga qabo iyadoo lagasoo leexinayo waqooyiga Suudaan.

.

Arrinta labaad ee Seefta Soomaaliya saaranna waa meeshii bad looga dooni lahaa Itoobiya.
.

Waxaase jirta in la maqlo waddan baa abaar ka taagan tahay ama waddan baa la dhisayaa ee lacag haloo uruuriyo,waxaase dhacda in lacagtaasi aanay waddankaasi aadin oo hawlo kale lagu fushado sida dagaalada,waana arrin ay cid walba hadda wada ogaatay!!!!!!!!!!!

.

By: Ciise Adan
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com