Home > Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > Shirweynihii Labaad Ee Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed Oo Galay Maalintii Labaad

Shirweynihii Labaad Ee Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed Oo Galay Maalintii Labaad

Thursday, February 16, 2012

Laaska News  Feb. 16, 2012

Garowe – Waxaa maalintii labaad galay shirweynihii 2aad ee Dastuurka Qaranka Soomaalieed (2nd Somalia Constitutional Conference -Garowe II) ee ka soconaya dhismaha Jaamacadda ee Garowe,caasimadda Dawladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
.

Shirkan ayaa lasheegay inay kasoo qayb galeen ergooyin ka kala socday qaybihii horrey uga qayb galay shirarkii   wadatshiga ee ka dhacay Muqdisho iyo kii kan ka horreeyay ee Garowe1,kuwaas oo kala ahaa TFG da, iyo Puntland,Galmudug iyo ASWJ,isla markaana horrey usaxiixay Roadmap ka.
.
Sidoo kalana ay ay furitaankii kasoo qayb galeen xubno ka socda IGAD  UN ka,iyo qaar kale.
.

Waxaana soo baxaya in shirkaas waxyaalaha looga hadlayaa ay ugu muhiimsan yihiin:

 

  •  
    Federaalka iyo nooca Federaalkaasi noqonayo.
  • Habka maamul wanaaga ama habka dawladnimo ee waddanku yeelanayo,taas aan filayo in loola jeedo Soomaaliya inay noqoto waddan uu shacabku doorto madaxweynaha ama mid uu doorto Baarlamaanku.
  • Waxyaalo la xiriira wixii kasoo baxay shirkii Garowe1.
    .

Shirka furitaankiisi oo shalay ahayd ayaa madaxda kasoo qayb gashay shirkaa qaarkood waxay ka jeediyeen khudbado intooda badan la xiriiray furitaanka shirka iyo mahadnaq,waxaase khudbadaha qaar aad ka fahmaysaa ajandaha shirkan.
.
Haddaba waxyaalaha la sheegay in looga hadlayo shirkan ayaa waxay yihiin masiirkii umadda Soomaaliyeed,waxaana soo baxaya dareen iyo s’uaalo badan oo ay dadku iska weydiinayaan.
.

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagusoo waramayaa in shirkaasi uu socdo,lana qabtay guddiyo ka dooda ama eega ajandayaal loo hor dhigay oo ay ka mid yihiin kuwaa kor kuxusan.

.

Samatar
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com