Home > Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Ka Dagay Garowe,Laguna Soo Dhaweeyay.

Madaxweyne Shariif Oo Ka Dagay Garowe,Laguna Soo Dhaweeyay.

Friday, February 17, 2012

Laaska News  Feb. 17, 2012

Garowe -Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xaruunta Puntland ayaa ku soo waramaya in maanta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed uu ka soo dagay Garowe,si diiranna loogu soo dhaweeyay halkaa.
.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay halkaa sii diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dawladda Soomaaliya (ee halkaa ku sugan oo ay ugu horreeyaan R/Wasaare Prof. Gaas,G Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan,Wasiiro,Xildhibaano) iyo Madaxda iyo Shacabka Puntland oo uu hor kacayo Madaxweynaha Puntland Dr. Farole.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in lagu wado shirkaasi in maanta la soo gaba gabeeyo,madaxweynuhuna uu ka qayb gali doono dhamaystirka shirkaas.

.

Axmadey

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com