Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, TFG Somalia, WARARKA > Makula tahay in Beeli,Beel Dastuur Usamayn Karto?

Makula tahay in Beeli,Beel Dastuur Usamayn Karto?

Friday, February 17, 2012

Laaska News  Feb. 17, 2012        INDHA FUR  Soomaaliyeey”

Sida la ogsoon yahay dalka Soomaaliyeed waxa ka taagan waa kalsooni darro ay keentay colaadihii iyo burburkii waddanka soomaray.
.
Dalku wuxuu leeyahay madaxweyne,Gole wasiiro iyo Baarlamaan.
.
Waxaana dawladdaa lagu qaybsaday hab aan la aqoon meel uu kayimid oo layiraahdo 4.5,si kastaba ha ahaade,dawlad baa lagu dhisay.
.
Dawladdaasina iyadaa umadda u ahayd dawlad,waxaase muuqata inaan dadkii ku joogin 4.5 kii oo beel kasta oo dawladda iyo baarlamaankaa ku jirta ay waddo kale u marto sad bursi.
.
Sad bursigaasina wuxuu keenay in la arki waayo dawladdii meesha ka dhisnayd,dantii guud iyo qarankii Soomaaliyeed,waxaana lasamaystay mucaarad,kooxo iyo maamul goboleedyo,cid walbana waxay keentay in heshiis lala galo oo ay la wareegaan hawshii ay lahayd dawlad qaran iyo Baarlamaan.
.
Haddaba madaxdii dawladda haddii ay aaminsan yihiin in kooxo gaar ah ama beelo gaar ah ay wax u qaban karaan ama dawlad dhisi karaan,waxaannnu leenahay waxba ma dhisi karaan,waase dumin yaqaaniin.
.
Arrinta kale hawshii laydin ku ogaa ee dawlanimo haddii ay farihiina kabaxday oo ay shisheeye gacanta u gashay ama beelo gaar ah,waxaa habboon inaad Soomaali u sheegtaan.
.
Waxaan mudanayaal idin xusuusinayaa in Soomaaliya ay tahay Beelo.
.
Beelina Beel dastuur uma samayn karto,masiirkii umadda Soomaaliyeed ma go’ayn karto kooxo,Beelo ama shakhsiyaad gaar ah,cid qaadanaysaana ma jirto,dadkuna 60 kii ma joogo ee yaan laydin lugeyn,haddii aad warkaygaa cayaar u qaadataan waxaad ogaataan,wixii habkaa khaldan kusoobaxa inay keenayso dhibaato kaweyn tii dalka ka dhacday cidda wax kuweyneysa dhibtaana aad idinku ugu horreynaysaan,sababtoo ah dalka waxa kasocdo waa in qilaab,habkastaba haloo maree,hana isku taganina shirka London.
.

Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye dadku mays weydiiyeen dalka imisa madaxweyne ayaa ka jira?
.

Goboladuse maxay u hoos tagi waayeen wasaaradda Arrimaha Gudaha.
.

Soomaalise ma la weydiiyay Federaalka inay raali ka yihiin ?
Yuuse dan u yahay?
.

Fadlan dib ugu noqo wixii heshiisyo la galay xitaa kuma sugna wax ka hadlaya in la dhiso ciidan uu yeesho Qaranka Soomaaliyeed oo la wada dhiso!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

.
Cagmadhige.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com