Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, Shirka Wadatashiga, TFG Somalia, WARARKA > Shirweynihii Labaad Ee Dastuurka Qaranka Soomaaliya Xaggee Marayaa?

Shirweynihii Labaad Ee Dastuurka Qaranka Soomaaliya Xaggee Marayaa?

Friday, February 17, 2012

Laaska News  Feb. 17, 2012              (INDHAHA FUR)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xaruunta maamul Goboleedka Puntland ee uu kasocdo shirweynihii 2aad ee  Dastuurka Qaranka Soomaaliya  iyo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya yeelanayso ayaa waxa uu kusoo waramayaa in shirku uu marayo meeshii ugu darnayd,uguna muhiimsanayd marka loo eego masiirka qaranka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed, shirkaas oo lagu waday in maanta la soo gabagabeeyo, ayna muuqato in arrimaha qaarkood laysku mari la’yahay.
.
Wararka kasoo baxaya shirkaas ayaa sheegaya in arrimaha shirkaa looga hadlayay,waa qodobada shirkii,qaarkood meel laysla dhigay.
.

Waxaase jira in qodobada qaarkood laysku mari la’ yahay,waxaa soo baxaya in ka qayb gala yaasha shirkaasi ay shalay iyo maanta ay doodo adag kayeesheen qodobada shirka,walina uu khilaaf ka taagan yahay qodobo ay ka mid yihiin:
.

 Federaalka,Nidaamka Federaalka.
Soomaaliya inay noqoto dawlad Federaal ah.
Nidaamka Dawladeed ee Soomaaliya yeelanayso.

Haddaan si kooban u sheego waxaas oo dhan waxay ku biyo shubanayaan:

 

In dawladda Dhexe ee Soomaaliya yeelato awoodda waddanka.
In Maamul Goboleedyadu ay yeeshaan awoodda Waddanka.
.

In Soomaaliya ay noqoto dawlad Madaxweynaheeda ay  soo doortaan Shacabka.
In ay noqoto mid ay Baarlamaanku doortaan madaxweynaha.
.

In Somalia ay yeelato Gole Baarlamaan.
In Soomaaliya yeelato Gole Baarlamaan iyo Gole Odayaal (golahanna uu ka sareeya ka baarlamaanka).
Waxaa xisid mudan in qodobkan doodiisu ay socotay ilaa shirkii hore ee Garowe One.

.

Waxaan ku gabagabaynayaa Soomaali hakala doorato:

Qaran awood leh.

ama

 Qaran aan la hayn awood oo la awooda maamul goboleedyada hadda jira.
.

Waxaadna ogaataa wixii shirkaa kasoobaxaa ay caalamku u adeegsan doonaan inay kugula dhaqmaan.
.

Barrina waxaa ku hortaal idinka ayaa raali ku ahaa.

.

Ciise Adan

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com