Home > TFG Somalia, WARARKA > Baydhabo Oo Ku Dhacday Gacan

Baydhabo Oo Ku Dhacday Gacan

Wednesday, February 22, 2012

Laaska News Feb. 22, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in magaalada Baydhabo ay Ciidamo huwan ah oo isugu jira Ciidamada XDS iyo kuwo Itoobiyaan ahi ay gudaha ugaleen magaalada Baydhabo (Baydhabo Janaay) iyadoon uusan kadhicin wax dagaal ah sidaana waxaa ku waramay warbaahin kala duwan oo isugu jira warbaahinta dalka iyo kuwa dibadda.
.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in galinkii dambe ee maanta ay gudaha u galeen ciidamadaasi magaalada Baydhabo,halkaas oo la sheegay in shabaab ciidankoodii iyo nin doorkoodii ay mar hore kala baxeen magaalada oo ay baneeyeen.

.

Warbaahinta ayaa horrey usheegtay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo tikniko wataa ay gobolada Gedo iyo Bakool kasoo galeen oo ay taageerayaan Ciidamo TFG da ah.
.
Waxaa kaloo oo horrey loo sheegay in dagaalo shalay iyo dorraad ay ka dhaceen deegaanadaa,oo ay ciidamadaasi ay ku soo wajahnaayeen Baydhabo.

.

Related:

Ethiopian tanks advance on key Somali town
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com

Advertisements