Home > Somali Community in UK, WARARKA > Madaxweyne Shariif Iyo Kulamada Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Britain

Madaxweyne Shariif Iyo Kulamada Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Britain

Friday, February 24, 2012

Laaska News Feb. 24, 2012                WARKA TFG da

Madaxweynaha oo caawa la kulmaya Jaaliyadda ku nool London

Madaxweyne Shariif Oo La Kumlay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Bristol

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Britain ayaa galabta magaalada Bristol kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u jeediyey Jaaliyadda Khudbad qiimo leh waxaana uu ugu horeyn Madaxweynuhu Jaaliyadda uga warbixiyey xaalada guud ee dalka Meesha ay mareyso waqtigan iyo doorka looga baahan yahay inay ku yeeshaan dib u dhiska dalka Jaaliyadaha.
.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in Dowladda horumarrada ay hada gaartay ay yihiin kuwa badan waxaana uu soo qaatay in horumar laga gaaray dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,Dib u heshiisiinta,hergelinta Road Mapka iyo sidii dalka Dib u dhis loogu sameyn lahaa waqtigan.
.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii ay Jaalliyaduhu kusoo laaban lahaayeen dalka ayaga oo ka qeyb qaadanaya dhammaanba horumarrada dalka Ka socda waxaana uu ugu dambeyntii ku dhiirageliyey qurba joogta Soomaaliyeed iney sii wadaan dadaallada ay hada bilaabeen ee la xiriira dhismaha wadooyinka Caasimadda.
.

Madaxweynaha oo caawa la kulmaya Jaaliyadda ku nool London.
.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa la kulmaya Jaaliyadda ku nool magaalada London saacadu marka ay tahay 07:00 waqtiga magaalada London waxaana uu ka dhacayaa Central hall Westminster Storey’s gate London SW1H9NH.
.
RM (Codka J.S.)
.

Laaska News.
http://www.laaska.wordpress.com