Home > Baarlamaanka Soomaaliya, Shirarka, WARARKA > Soomaaliya -Xildhibaanno soo dhaweeyay shirkii London

Soomaaliya -Xildhibaanno soo dhaweeyay shirkii London

Friday, February 24, 2012

WARKA TFG da

Muqdisho,Jimco 24 February 2012 (SONNA) – Qaar ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qodobbadii ka soo baxay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee xarunta dalka Britain, kaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya oo u waramay Bar-kulan ayaa u sheegay inuu soo dhoweynayo qodobbadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan kuwii ku saabsanaa la-dagaallanka burcad badeedda iyo maxkamadeyntooda.

.

Xildhibaan Cawad ayaa sheegay inuu sidoo kale soo dhoweynayo qodobkii ku saabsanaa in ay wadahadal furtaan dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay muhiim tahay in Somaliland laga dhaadhiciyo inay lagama maarmaan tahay midnimada Soomaaliya.

.

Xildhibaan Max’ed Axmed oo isna la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa u sheegay in dhankooda ay si diiran u soo dhaweynayaan ayna ku baaqayaan in si buuxdo shacabku ay u taageeraan go’aanadii shirkii London, si loogu guuleysto xal u helidda mashaakilka ka aloosan gudaha Soomaaliya.

.

Source: SONNA & Bar-kulan

RM.

Advertisements