Home > WARARKA > Mandela Oo Lagu Sameeyay Qalliin

Mandela Oo Lagu Sameeyay Qalliin

Saturday, February 25, 2012

Laaska News.(LN) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mondela ayaa qaliin lagu sameeyay sabtida maarta ah,waxayna dhakhtaradu sheegeen inay xaaladdiisu deggan tahay sida ay warisay BBC du.
.
Horrey waxaa u jiray war sheegaya in loo qaaday Isbitaal ku yaala Johaanisbeeg. Nelson oo ah ninkii ugu horreeyay ee jirkiisu madaw yahay oo Madaxweye ka noqda K Africa, kal horena 93 jirsaday,ayaa lasheegay inuu ka cabanayay xanuun caloosha ah.
.
Nelson Mandela ayaa ah ninkii ugu caansanaa dagaalyahanadii kasoo horjeeday nidaamkii midabtakoorka ahaa ee K.Afrika.Xukuumaddii midab kala-sooca ku dhisnayd waxay ku riday xabsi wuxuuna ku qaatay ama ku jiray xabsigaa 27 sano.
.
Mandela waxaa loodoortay Madaxweynaha K Afrika 1994,wuxuuna xilkaa ka hayay ilaa 1999.

IF.

.

Laaska News.