Home > News > Ruushka – Putin Oo Helay 63.6% Markii La Tiriyay 99,99% – Guddiga Doorashada

Ruushka – Putin Oo Helay 63.6% Markii La Tiriyay 99,99% – Guddiga Doorashada

Monday, March 5, 2012

Waddanka Ruushka waxaa ka dhacay shalay tartanka doorashada madaxtinimada Ruushka,waxaana ku tartamay 5 musharax oo uu kamid yahay Putin oo laba jeer madaxweyne kasoo noqday waddankaas,haddana ahaa R/wasaare.
.

Mr. Putin ayaa mar 3aad noqonaya madaxweynaha waddanka Ruushka muddo 6 sano ah.
.

Kadib markii la isku hagaajiyay ama la tiriyay 99.99% cododkii doorashada,Putin ayaa wuxuu helay 63.60% oo cod waa sida warbaahinta RIAN ee waddankaasi ay kasoo xigatay guddiga dhexe ee doorashada (CEC) ayna baahisay shabakadda VOR.

.

Guddiaga Doorashada ayaa sidoo kale sheegay in hogaamiyaha CPRF oo la yiraahdo Gennady Zyuganov uu helay – 17.18%,Musharax madax banaan Mikhail Prokhorov uu helay – 7.98%,madaxa xisbiga liberal Dimuquraadiga Vladimir Zhirinovsky uu helay – 6.22%,hogaamiyaha “Fair Russia” ee lagu magacaabo Sergei Mironov uu isna helay – 3.86%.

.
.

Doorashadan ayaa noqonaysaa markii koowaad ee uu Ruushku doorto madaxweyne 6 sano hayn doona madaxtinimada.
.

Guleed.

Laaska News

Advertisements