Home > WARARKA > Dadkii Deganaa Magaalada Wagga Wagga ee Australia Oo Dhul Cid La’ Ah U hoyday

Dadkii Deganaa Magaalada Wagga Wagga ee Australia Oo Dhul Cid La’ Ah U hoyday

Tuesday, March 6, 2012

Laaska News  Mar. 6, 2012
In kabadan 8 kun oo qof ayaa lagu amray inay ka baxaan guryahooda oo ku yaala magaalo ku taal waddanka Australia oo lagu magacaabo Woogo Woogo (Wagga Wagga),magaladaas oo baqdin looga qabo in wabi magaalada mara oo ku noqnoqda ama ku meeraysta oo lagu magacaabo Murrumbidgee River uu saacadaha inagoo soo socda uu biyo badan keeno,uuna soo jabiyo biyo xireeno iyo biyo celiyayaaal dhararkoodu yahay 11 m kadibna uu goosto karkaarada.

.
Xafiiska (ama mas’uuliyiinta) uqaabilsan xukuumadda qaybta cilmiga hawada ,xaaladaha hawada,jawiga IWM ayaa saadaaliyay in biyaha wabigu kor usoo kacaan oo ay gaaraan 10.9m,qiyaastii marka ay maalintu kala badhan tahay ama duhurka,afhayeen u hadlay masuuliyiinta ayaa sheegay inay suura gal tahay inuu gaaro meel kasaraysa halkuu uu gaaray daadadkii 1974 tii.

.

.

Magaalada waxyaalaha biyaha ka celiya ama biyo xireenada magaalada ayaa dhararkoodu yahay 11m.Hay’adda dawladda u qaabilsan xaaladaha deg degga ah, nin u hadlay oo lagu magacaabo “David Chalmers” ayaa sheegay in kooxo katirsani ay heegan ugu jiraan ilaalinta daad celilayaasha ee magaalada iyo korodhka biyaha,wuxuuna sidoo kale sheegay in ciidamada Booliska iyo kuwa malatarigu ay labaduba ku sugan yihiin halkaa.

.

.

Waxaase jira dad markii hore intii aanay roobabka iyo daadku soo badan ka baxay oo gawaari ku cararay.

.

.

Kumaankun dadkii magalada deganaa ee kabaxay ayaa habeenkii u hoyday dhul cid la ah oo joogoodu sarreeyo,waxaase jira dad ka madax adeygay digniinta loo jeediyay,waxaase markii dambe dadkaa loo daad gureeyay guryaha dushooda.

.

Jadwalkan hoose waxaa weeye heerka ugu sarreeya ee  ay gaareen biyaha wabigu,waxaana is garab yaal sanadka iyo inta Mitir uu gaaray.Waxaana macluumaadkan laga helay golaha deegaanka ee magaalada Wagga Wagga.

.

Murrumbidgee River peaks.
.
1844 – 10.97m
1852 – 10.67m
1853 – 10.9m
1867 – 10.67m
1974 – 10.74m

Source: Wagga Wagga City Council

.

Guuleed.

.

Laaska News

 

Australia – Wagga Wagga residents head to higher ground