Home > WARARKA > 8 da Maarso Oo Laga Xusay Muqdisho

8 da Maarso Oo Laga Xusay Muqdisho

Thursday, March 8, 2012

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayo maalinta haweenka Soomaaliyeed oo qayb ka ah maalinta haween weynaha adduunka ee 8da Maarso oo maantoo kale uu caalamku u aqoonsaday maalinta haweenka.

.

Munaasabadaas ka dhacday muqdisho ayaa lagu soo waranayaa in ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo aan indhawaeyd lagu arag Muqdisho,waxaana lagusoo waramayaa inay ka qayb galeen dadweyne aad ufarabadan, arday, iyo mas’uuliin intaba,isla markaasna uu jiray socod iyo ubax dhig.

.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed hadalna ka jeediyay.

.

Waxaa uu madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin wadahadalada ay dawladdu la galayso Somaliland,maamulada cusub sida Khaatumo oo uu ka hadlay madaxweyne shariif .

.

Maxamuud Yuusuf.

Muqdisho.