Home > ALL DARWIISH NEWS, TFG Somalia > Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynta Khaatumo

Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynta Khaatumo

Thursday, March 8, 2012


Muqdisho
March 8  (Laaska News) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka qayb galay xuska maalinta haweenka oo ka dhacday Muqdisho hadalna ka jeediyay ayaa mar uu ka hadlay soo dhaweynta Khaatumo waxa hadaladiisa kamid ahaa:

.

Waxaan rabaa inaan caddeeyo maamulada dhismay annaga midnimadooda iyo horumarkooda ayaan taageeraynaa ama ha noqdaan soomaaliland ama ha noqdaan Puntland.
.
Waxaannu u haysannaa inay tahay guul umadda Soomaaliyeed usoo hoyotay.

.
Somalida mar walba oo la joogo ama xilli kasta oo la joogo kala tabashaa timaada, dawladduna maadaama ay thay dawladdii dhexe waxaa laga yaabaa dad tabanaaya inay u yimaadaan, maxaa la gudboon dawladda ? Mawaxaa la gudboon inay albaabada xirato? Mise waxaa la gudboon inay albaabka furto oo ciddii wax tabanaysa ay dhagaysato?

Albaabka in la furo oo dadka la soo dhaweeyo.

Laakiin ujeedadu maaha qaybin iyo burburin maamul.

.
Ujeedadu waxaa waaye inaan raadino fursadda loo midayn karo,deegaan kasta fursadda loo midayn karo umadda Soomaaliyeed gabi ahaanteedaba inaan fiirino, taas waxaan ula jeedaa beryahan suuqa waxaa aad ugu jirtey dawladdu waxay ka shaqaynaysaa inay burburiso Soomaaliland, inay burburiso Puntland, arrintaas waxba kama jiraan.

Soo dhaweynta Khaatumo, annagu waxaan u arkeynay hawl gacanta Soomaaliyeed ku jirta,ujeedaduna ay tahay in dadka lawada hadalsiiyo,nabad lagu wada noolaado, habka maamulkana laga wada heshiiyo,inay fursaddaas dawladdu abuuri karto.

Taa waan kawada hadalnay walaalahayaga khaatumo.

Waanna gaarsiinay labada gobol oo kale “in dawladdu waxa ay ka shaqaynayso aysan burburin ahayn, Laakiin ay tahay nabadayn iyo midnimo”.

Maxamed Yuusuf .

Muqdisho.

Advertisements