Home > ALL DARWIISH NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalka Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalka Somaliland

Friday, March 9, 2012

Muqdisho March 8 (Laaska News) — Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif oo munaasabaddii 8da Maarso ee maalinta Haweenka ama hooyooyinka ee lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda ay si dhaqso ah guddi uqabanayso wadahadal lagala Soomaaliland.
.

Mudane Shariif waxaa hadaladiisa kamid ahaa:

.

“Waxaaad lasocotiin walaalaheenna reer waqooyi qaybta weyn ay ku lahaayeen xorreynta dalka iyo midnimada Soomaaliya”.

.

“Waxaad la socotiin horumarka ay ka sameeyeen deegaanka ay joogaan oo ama leh amni ama siyaasad oo aan la inkiri karin”
.
“Waxaa lagama maarmaan ah in fursaddaas qaaliga ah oo bilaabantay kulligeen aan u diyaar garawno.”

“Dawladduna waxay diyaar u tahay sida udhaqsaha badan ay usaarto guddi, sidii walaalaheen reer Soomaaliland loola bilaabi lahaa wadahadal.”

.

Maxamed Yuusuf.

.
Muqdisho.

Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynta Khaatumo

8 da Maarso Oo Laga Xusay Muqdisho2