Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Xukuumadda KMG Soomaliya Oo La Sheegay Inay Aqooonsi Kala Noqotay Khaatumo State

Xukuumadda KMG Soomaliya Oo La Sheegay Inay Aqooonsi Kala Noqotay Khaatumo State

Friday, March 9, 2012

Muqdisho March 9 (Laaska News) – Waxaa soobaxay war sheegaya in xukuumadda KMG Soomaaliya ay kala noqotay aqoonsigii maamulka Khaatumo sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoobaxay xafiiska R/wasaaraha Dawladda KMG Soomaaliya uuna kusaxiixan yahay Kusimaha R/wasaaraha ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
.
.
Warqaddaad oo warbaahintu heshay kuna jirta shabakadaha qaarkood.
.
.
Warqadda xafiiska R/wasaaraha kasoobaxday ayaa umuuqata cadaadis hor leh oo dawladda lagu saaray inay aqoonsigii kala noqoto maamulka Khaatumo.
.
Waxaase xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay xafladdii 8da Maarso hadal ka jeediyay ayaa sheegay ama si cad ugu dhawaaqay taageerada iyo hanka uu u hayo maamulada dhismaya isagoo xuday inuu soo dhaweynayo maamul goboleedyada cusub si gaar ahna u carabaabay soo dhaweynta Khaatumo, (AKHRI:  Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynta Khaatumo)
.

 

Maxamed Yuusuf

Muqdisho.

Advertisements