Home > TFG Somalia > Soomaaliya – Guddiga Dastuurka Oo U Ambabixi doona Gobollada Dalka

Soomaaliya – Guddiga Dastuurka Oo U Ambabixi doona Gobollada Dalka

Monday, March 12, 2012

Laaska News  Mar. 12, 2012                                                Warka TFG da

Wasaaradda Dastuurka,Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dabayaaqada Todobaadkan  Guddiga Madaxa banaan ee Dastuur usameeynta Dalka ay u Ambabixi doonaan gobollada dalka si ay shacbiga uga talageliyaan qabyo qoraalka Dastuurka.

Wasiiru dowlaha dastuurka, arrimaha federalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Md, Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan dheere) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijo wanaagasani ay ka soo baxday ra’yi ururuurintii ay ka dhexsameeyeen qeybaha bulshada ku dhaqan G/Banaadir.

.
Wasiiru dowlaha Dastuurka Md. Xasan Dheere waxa uu shaaca ka qaaday in toddobaadkan gudihiisa ay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka u ambabixi doonaan gobollada ay gacanta ku hayso dowladda iyadoo xog uruurinta qabyo qoraalka dastuurkana la gaarsiin doono meel kastoo uu joogo qof Soomaali ah.

.
Wasiiru dowlaha dastuurka, arrimaha federalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Md, Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan dheere) ayaa sheegay in Qabyo-qoraaalka dastuurka dowladda Soomaaliya la dhammeystiri doono dabayaaqada bisha April ee sannadkan si uu saldhig ugu noqdo dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

.
Diyaarinta dastuurkani oo in muddo ah soo jiitamayey ayaa lagu wadaa inuu gogolxaar u noqdo dowladda cusub ee dhismaheedu lagu madlan yahay bisha August ee sannadkan, tiiyoo hadda laga fekerayo qaabka loo wajahayo dhaqangelinta dhabbihii qariirada ee looga gudbi lahaa ku meelgaarnimada.

RM.