Home > TFG Somalia > Qaraxii Maanta Ee Muqdisho Oo La Sheegay Inuu Ka Dhacay Makhaayad Ku taal Banaanka Hore Ee Madaxtooyada

Qaraxii Maanta Ee Muqdisho Oo La Sheegay Inuu Ka Dhacay Makhaayad Ku taal Banaanka Hore Ee Madaxtooyada

Wednesday, March 14, 2012

Muqdisho– Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhacay makhaayad ku taala afaafka hore ee Madaxtooyada.

.
Qasaaraha uu geystay qaraxaas oo warbaahinta siyaalo kala duwan uga hadashay mar horrena lagu sheegay in dhimashadu ay tahay 5 qof, halka dhaawacuna lagu sheegay 10 qof,ayaa haddana warka laga helayo dhinaca warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in dhimashadu ay tahay 2 qof,halka dhaawacana lagu sheegay 7 qof oo midi halis yahay.
.
Waxaana mar dambe la sheegay in qof dhaawaca kamid ahaa uu mar dambe dhintay,inkastoo aan lakala sheegin qofkii dhaawaciisu halista lagu sheegay inuu yahay iyo in kale,halkaana tirada laga dhigayo 3 qof.

.
“Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Md Maxamuud Macalin Nuur oo lahadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in maanta 12 kii – 12:30 uu qaraxu ka dhacay goob laga shaaho oo udhaw madaxtooyada halkaana ay ku dhinteen labadii qofood ee qaraxa watay”
.

.
”Waxa uu ku daray in mid ahaan u ku xirnaa ayna usuuroobi weyday inay galaan madaxtooyada,kadibna ay makhaayadda tageen,kadibna ay halkaas isku qabsadeen markii kii weynaa uu damcay inuu tago”, sida lagu sheegay warka habeenimo oo ay baahisay shabakada dawladda ee RM iyadoo maqal ah.

 .